29th March 2024  admin  Category :

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya oo ka wadahadlay iskaashiga ammaanka iyo wax wadaagga

Nairobi, March 28, 2018 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa kula kulmay Magaalada Nairobi dhiggiisa dalka Kenya H.E. Amb. Monica Juma. Kulanka ayaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo dhowr arrimood oo xaaladda gobolka iyo dunida si gaar ah horumaraddii ugu dambeeyay ee dhismaha derbiga shamiindada ee laga oogayo inta u dhexeysa Beled Xaawo iyo Mandheera iyo dadaallada joogtada ah ee loogu jiro sidii gebi ahaan si rasmi ah loogu laali lahaa dhisiddiisa.

Labada Wasiir ayaa kulankooda uga wada dooday isfahamka dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ee joojinta dhisidda derbiga iyo unkidda guddi wasiiro oo wadaag ah, kuwaasi oo kulamadooda ugu horreeya uu ka dhici doono Mandheera.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Caalamiga ee Kenya H.E. Amb. Monica Juma waxa ay yeesheen fadhi dheer oo wadahadal ah oo diiradda lagu saaray dib uga shaqeysiinta heshiisyadii hore labada dal ay u kala saxiixdeen oo la xiriiray ammaanka, ganacsiga, iskaashiga arrimaha bankiga iyo sidoo kale tababaridda howlwadeennada caafimaadka, kalkaaliyeyaasha iyo shaqaallaha rayidka ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*