26th April 2024  admin  Category :

Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta Madaxtooyada Puntland ahna musharax Xildhibaan Golhaa wakiilada Puntland 2019 Ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag.

Agaasimaha Warfaafinta, wacyigalinta Hidaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Dowladda Puntland, ahna Musharx Xildhibaan Golha wakiilada Dowladda Puntland 2019 Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 18 October 2018 waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Ceelbuh.

Soo dhaweenta Agaasime Abwaan Cabdrishiid Yuusuf Jibriil oo ahayd mid aan loo kala harin ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay maamulka gobolka Sanaag waxgaradka, cuqaasha, nabadoono, siyaasiyiin, ganacsato, haweenka, ardayda, iyo dhaamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Ceelbuh

Nadaoonadii iyo waxgardkii magaalada Ceelbuh ee qaybta ka ahaa soo dhaweeynta oo hadalo muhiima ka jeediyay madashii soo dhaweynta ayaa dhammaantood uga mahadnaqay agaasimaha waxaqabdka iyo dedaalka balaadhan ee uu ka wado gobolka Sanaag iyo guud ahaan Puntland.

Ugu danbeyn Agaasime Abwaan Cabdrishiid Yuusuf Jibriil Cawl oo munaasbada khudbad taariikhiya ka jeediyey ayaa ugu horeyn ka mahad naqay soo dhaweenta baaldhan ee loo sameeyay kulana dar daarmay waxagardka iyo ganacsatada in ay kashaqeeyaan horumarka gobolka iyo midnimada Puntland iyo sidii looga midha dhalin lahaa in la helo isbedel dhanka siyaasada ah.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*