26th April 2024  admin  Category :

WARAYSI/ CALI MAXAMUD XASAN (CALI CEELAAYO) AYAA WARBIXIN SOO JIIDATEY DADKA SOMALIYEED KA SIIYEY HALKA UU MARAYO MASHRUUCA DHISMAHA WADADA CEELDAAHIR-CEERIGAABO (JIDKA BARAKAYSAN)

Waraysigan oo aad u xiisa badan oo uu kaga warbixiyey Mudane Cali Maxamud Xasan (Cali Ceelaayo) , halka uu marayo DHISMAHA WADADA  CEELDAAHIR_ CEERIGAABO. (  jidka barakaysan). oo in mudo ah ka socdey dhismihiisu gobolada Hayland iyo Sanaag.   Wadadan oo Dowlada iyo shacabka Puntland ay ku dhisaan barnaamijka  ISKUTASHI.ee madaxweyne Cabdiweli ugu baaqay dadka reer puntland iney ku dhistaan dhulkooda.

Waraysigan oo uu Cali Ceelaayo siiyey Golaha1960 iyo Websaydhada ay wada shaqeeyaan wuxuu ku soo bandhigayn heerarkii kala duwanaa ee ay howsha wadadani soo martay iyo maanta halka ay marayso.Wadadan oo dhererkeedu yahay 220 km ilaa hadana caratuulkii la dhamaystiray 100 km,hadana la rakibayo qalabkii DAAMURKA ISKU QASAYEY IYO KII KARASHARKA DHAGAXA SAMAYNAYEY.

Sidoo kale wuxuu ka waramay baahiyaha kala duwan ee hadda iyo mustaqbalkaba ay wadadani u baahan tahay in loo howl galo sidii loo heli lahaa .Sidoo kale wuxuu sheegay in Madxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli iney ka go’an tahay in la dhamaystiro Wadadaas aaneyna shaqadaasi istaagin marnaba  iyo arimo badan oo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*