27th April 2024  admin  Category :

Jabhadkii SNM  oo mar kaliya bedelay kulankii Bandhigga Golaha Wasiirada, kadib marku kahadlay Somaliland

Wasiirka ayaa su’aal ka keenay qorshayasha ay Xukuumadda uu ka tirsan yahay soo bandhigtay isagoo u muuqday inuusan waxba kala socon ama wax wax ka ogayn, kaas oo lagu soo bandhigay Kulan Golaha Wasiirada isugu yimaadeen oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa dood ka keenay in aan lagu soo darin ama aysan ka dhex muuqan Tubta siyaasadda loo dhan yahay arrinta Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

“Qorsha maalinlaha socda iyo tubta lagu fuliyo howlaha qaranka waa arrimo aad u qiimo badan, waxaa soo jeedinayaa tub kale in lagu daro oo ah tubta Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, Tubta siyaasadda loo dhan yahay wax ka hadlayay arrinta Somaliland kuma jirin”ayuu yiri Wasiir Maareeye oo si layaab ah mowduuc gaar ah uga furay bandhiggii Xukuumadda ee lagu soo bandhigayay qorshayaasha maalinlaha ah.

Maareeye ayaa sheegay in dadka reer Somaliland ay heystaan nabad muddo 30 sano ku dhow, isla markaana ay u dhibaateysan yihiin inay dowladdu gaarto oo ay helaan waxbarasho iyo shaqo, waxaa uu tilmaamay in haddii dowladda qorshe ka lahaato ay tahay in lagu soo daro.

Wasiir Maareeye ayaa si aagabasho lahayn u sheegay inaysan soconayn qorshaha DFS haddii aan lagu soo darin Somaliland wuxuuna yiri “Saddexda arrimood ee ka hadleynay ee dhameystirka Federaalka, Dib u eegista Dastuurka iyo doorashooyinka, saddexdaas ma soconayaan haddii aan Somaliland qorshaheeda lagu darin, haddii Midnimada dalkaan laga fikiraayo”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka jawaabayay soo jeedinta Wasiir Maareeye ayaa sheegay arrinta Somaliland ay tahay arrin gaar ah ama mashruuc u gaar ah madaxweynaha iyo isaga, isla markaana ay tahay shaqo gooni oo socota oo isaga iyo Madaxweynaha ka shaqeynayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*