27th April 2024  admin  Category :

Allah ha u naxariistee Shan Arday oo ku  geeriyootay    shil gaari

1-Haashim Maxamed Ciise, 2- C/laaahi C/risaaq Maxamud,  3- C/fataax Axmed Faarax,  4- Ayuub C/rixmaan Axmed, 5- C/rixmaan Maxamed Maxamud, dhamaan Ardadan oo wada  dhigan jirtay   fasalka Aafraad ee dusiga sare ee Ugaas Yaasiin ee magaalada Boosaaso ayaa maanta oo jimmce ah oo ay fasax ahaayeen  shol gaari ku wada dhintay iyaga oo ku sii jeeda magaalada Laag ee loo dalxiis tago,

Allah u wada naxariistee caruurtan ayaa waxay ku dhex jireen  oo qaban qaabinayeen xafladdii qalin jebintooda dugsiga sare oo ay doonayeen inay sawiro ku soo wada  galaan Magaalada quruxda badan ee Laag ee dhacda Bariga Buuraha Calmadow iyo Koonfurta magaalada Boosaao.

Bahda Allsnaag waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Waalidkii Caruurta dhalay, awoowayaashood, eheladiidii qaraabadii , ardadii ay wada dhigan jireen dugsiga  Ugaas Yaasiin, maamulka dugsiga  iyo Macalimiinta  iyo guud ahaan  Bulshada reer Boosaaso,

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*