8th May 2024  admin  Category :

Farmaajo iyo Trump midna ma ilaawin Gaas iyo  John  McCain.

Madaxweyaha Maraykanka Donald Trump, ayaa dagaal kula Jira John McCain oo 7 bilood ka hor dhintay, sababtuna waxay tahay  inta  uuna  McCain dhiman ayeey siyaasadda isku ayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa sida Trump aan isaguna ilaawin ninkii ay maalin siyaasadda isku qabteen.

Dadka oo aadka Farmaajo ugu ciil qabo waxa ka mid ah madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas, Madaxweyne Farmaajo isaga oo xusuusinaya inaanu weli ilaawin Gaas  ayuu maanta Safiir u magcaabay Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Safiir u magacaabay C/xakiin C/llaahi Camey oo soo noqday Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland.

Kulan Golaha Wasiirada maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa Mr C/xakiin Camey loogu magacaabay inuu noqdo Safiir, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Lama shaacin dalka uu Safiirka ka noqonayo, balse Golaha Wasiirada ayaa meel mariyay magacaabiddiisa Safiirnimo, iyadoo wareegto lagu soo saari doono dalka loo magacaabayo.

Magacaabida Safiir ee Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland C/xakiin Camey ayaa loo arkaa mid loogu abaal gudayo sida dhow ee ula shaqeeyay dowladda Madaxweyne Farmaajo labadii sano ee uu Madaxweyne kuxigeenka ka ahaa Puntland dagaalkii uu madaxweyne Farmaajo kula jiray dawladii uu ka mid ahaa hogaankeeda

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*