28th March 2024  admin  Category :

Mid ka mid madaxdii Garabka Asmata ee oo si qarsoodi ah Soomaaliya ku kenay Diyaaradaha aan Darewalka lahayn. Garabka Asmara waa meesha ay ka soo farcameen argagxisada Soomaaliya

Ciidamada NISA ayaa gacanta ku dhigay diyaarado Drones ah oo laga keenay dalka Turkiga, kuwaasoo xamuul ahaan looga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Diyaaradahan Drones ayaa nuucaan u muuqaal eg kuwa wax duqeeya ee Mareykanka adeegsado, marka loo eego qaabka ay u sameysneyd oo aad uga duwan kuwa Muuqaalada duuba.

Xildhibaan Zakariye Xaaji, oo dawladdii Soomaaliya ka dhalataba mucaarad ku ahaa, kana mid ahaa asaasayaashii argagixisada Soomaaliya, ayaa sheegay in diyaaradaha Drones uu ka keenay dalka Turkiga, ayna leedahay Shirkad lagu magacaabo Hufan oo ka shaqeysa la dagaalanka cayayaanka beeraha.

Zakariye oo mar marsiinya u samaynaya diyaaraddan oo caalamka intiisa badan hub ahaan loo istcmaalo ayaa yidhi sidan:

“Dayuuradaha iswada “Drones” oo aan ka keenay wadanka Turkiga, Diyaaradahaas oo ay leedahay shirkadda Hufan oo ka shaqeysa ladagaalanka cayayaanka Beeraha, waraabka beeraha iyo dhammaan howlaha la xiriira beeraha ayay hay’adda NISA si sharci darro ah ula wareegtay.
Diyaaradahan ayay shirkadda Hufan ugu talo-gashay la dagaalanka iyo buufinta Anyaxa, Waraabinta Beeraha iyo in lagu ogaado wabiyada meelaha ay ka jilcanyihiin ee uu ka fataho”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ka codsaday NISA inau hantidaas ay leedahay shirkadda Hufan si degdeg ah ugu soo celiso gacanta Shirkadda.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in diyaarado Drones ah la soo geliyay dalka, lagana cabsi qabo falal amniga lid ku ah in loo adeegsado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*