29th January 2023  admin  Category :

Soomaalidii lagu edeb darooday ee laga soo tarxiilay Laas caanood oo laga sii sagootiyay Gaalkacyo

Qaar ka mid dadkii laga soo masaafuriyay Laas caanood ayaa maanta laga soo ambabixiyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyadoo laga caawiyay dhaqaalaha safarkooda, waxaana 50 qof oo ka mid ah shacabkaasi maanta laga sagootiyay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ku sii jeeda Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Dadkaan oo iyagu  doortay in noloshooda ay ka sii wataan magalaada Muqdisho ayaa waxaa tikidhada iyo qarashaadka Safarkooda diyaaradeed ka caawiyay Jamciyadda Gurmad Somali Reilf ee fadhigeedu yahay Dalka Australia, taas oo uu wakiil ka ahaa Guddoomiyaha Madasha Nabadda iyo Isdhexgalka Gobalka Mudug Maxamed Sheekh Saciid.

Maxamed Sheekh Saciid wakiilka Gurmad Somali Reilf iyo Ugaas Ibraahim Maxamed Cabdi oo ka mid ah Dhaqanka reer Koofur Galbeed ee ku sugan Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegeen in dadkaan oo ka mid ahaa qoysaskii laga soo masaafuriyay ee dhawaanahaan ku sugnaa Gobolka Mudug, ay iyagu codsadeen in laga caawiyo sidii ay ku tagi lahaayeen Muqdisho, ayna gacan ku siiyeen safarkooda.

Qaar ka mid ah dadkii maanta sagootinta loo sameeyay ayaa ka mahadceliyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*