27th July 2024  admin  Category :

Safarkii Shaiikh Shariif uu ku tegi lahaa magaalada Kismaayo iyo hor istaagii socdaal ee lagu sammeeyey, waxeey arrintaas caddeeneeysaa ballaayada ay soo waddaan kooxda la magac baxday Nabad iyo Nolol, Kooxdan ayaa ah kooxdii ugu xummeed ee soo marta tan iyo intii uu dhacay burburka dalka.

Waxaana dhab ah, marka tallada dalka ay umadda u qabtaan dad aan hoggaaminta ku habbooneen, daciif ah, aqoontoodana ay iska yar tahay ay ka dhalan karto qataro aad u weeyn. Waxaan la soconaa markii uu Farmaajo uu ku guuleeystay doorashada dalka, in dadka badankiisa ay soo dhaweeyeen, caalamkana laga dareemay taageeradda loo muujiyey.

Balse sheekadaas waxeey noqotay, “Ceeryaamo roob noqon weeyday” Hadaba, yaa filayey Farmaajo in uu dalka dib ugu cellinayo xilligii dawladdii Kacaanka iyo sannadihii siddeetameeyadii? Farmaajo iyo kooxda la socotaa waxeey dalka ku soo kordhiyeen caburin, baal maridda sharciga, ku tagri fallidda awoodii iyo dhaqaalihii dalka uu lahaa, buruburinta maamulada ka jira dalka, burburinta nidaamka federaalka, ku soo roggidda dalka nidaam kalligiis tallisnimo ah iyo hawadii dalka oo dadka isbaaro loo dhigtay.

Maanta dalka waxa ka socdaa waa mid muddan dadka ineey qoryahooda qaataan si ay u illaashadaan xoriyadooda. Xoriyadda qofka waa mid lama taabtaan ah maadaama uu qof kasta oo nool uu illaahay siiyey xoriyad uu ku noolaado. Haddii dadku ay rabbaan nidaamka kalligiis tallisnimada, maxaa loo burburiyey dawladdii Kacaanka? Haddii la rabbo caburin iyo xoriyad ka qaadid, maxaa loo burburiyey dawladdii Kacaanka?

Hadaba dadka maaxaa la gudboon? Dadka waxaa la gudbboon in ay ka fakiraan sidii aysan marnaba u soo noqon laheen kooxdan xannuunsan doorashada soo socota iyo in laga illaaliyo in ay ku guuleeystaan ineey geeystaan maamuladda ka jira dalka madaxweeynayaal iyaga taageersan sida tii ka dhacday magaalada Baydhabo.  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*