
15th July 2026 admin Category :

assin Mohamud oo hore uga soo qaxay Soomaaliya ayaa loo doortay Duqa Sare (Lord Mayor) ee magaalada Bristol.
Yassin Mohamud oo hore uga soo qaxay Soomaaliya ayaa loo doortay Duqa Sare (Lord Mayor) ee magaalada Bristol.

Yassin Mohamud ayaa qoyskiisa ula qaxay dalka Ingiriiska kadib dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, isagoo magaalada Bristol deganaa ku dhowaad 20 sano. Taariikhdu markay ahayd 12-ka May 2026 ayuu si rasmi ah xilka ula wareegay, isagoo noqday qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee qabta xilka Lord Mayor-ka Bristol.
The 8th largest city in England gets its first refugee Somali Mayor.
— HJB News (@HJB_News__) May 14, 2026
Twenty years ago, Yassin Mohamud came to Bristol as a refugee. Now as Lord Mayor, he'll chair full council meetings and represent the city at civic events. pic.twitter.com/LBWvcbfYcY
Khudbad uu jeediyay ayuu ku sheegay in xilkan uu yahay “sharafka ugu weyn ee noloshiisa,” wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono mideynta bulshada iyo xoojinta kala duwanaanshaha bulshada Bristol.
Yassin Mohamud ayaa sidoo kale hore uga tirsanaa golaha deegaanka magaalada, isagoo matalayay xaafadda Lawrence Hill tan iyo sanadkii 2021.







