26th July 2024  admin  Category :

Yariisoow waa ninkii  isaga oo dumar iyo Caruur soo kiciyey ku hor mudaharaadi jiray Cisbitaalkii lagu dawayn jiray Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar  Cusmaan (Yariisow) ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa isaga sadbursiga Muqdisho difaacaya waxa uu maanta sheegay

“Siyaasigii qas wade ah hala soo safto kooxda argagixisada ah ma aqbali doono in dhexdeena uu khaska ka wado oo uu dowladda xagxagto, ha noqon mucaarad kaliya ka hadla dhanka xun iyo amni daraddo in ay dalka ka jirto” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow).

Duqa maanta sidan leh waa ninkii markuu ahaa Gudoomiyaha Hawiye Concern Group,inta uu dumarka iyo caruurta soo kiciyo ku hor mudaharaadi jiray Cisbitaal ku yaal London oo xilligaas lagu daweenayey Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf.

Maalintaa  Boodhahkii ay wateen Yariisoow iyo kooxdiisu wax ka mid ahaa “Waa danbiile dagaal yaan Beerka laga bedelin, waa nin  Itoobiya u keenay  aargoosuga reer Muqdisho iyo inuu ku xasuuqo reer Muqdisho


“Dowladda Ingiriiska ha ka saarto dalka dembiilaha dagaalka”.

Yariisoow iyo Tarsan, oo Banaanbaxaas soo qaban qaabiyey ayaa maalintaas  dadkii ay soo kiciyeen waxay  u qaybinayeen Emailkan  cisbitaalka lagaga dacwoonayo  joogitaanka C/laahi Yuusuf, emailka Cisbitaalka  Cromwell Hospital

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*