26th April 2024  admin  Category :

Jawaari “Yaa la idinku sheekeyn kalaam faaruq ah Doorasho qof iyo cod ma dhici karto”

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dalka aanay ka dhici karin doorasho qof iyo cod, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay dadka si khiyaali uga hadlaya in doorasho qof iyo cod ka dhici karto dalka.

Wareysi uu siiyay Telefishinka Dalsan TV ayuu sheegay in farsamo ahaan iyo waqtiga haray uu adkeynayo in doorasho qof iyo cod la qabto, iyadoo aanay wax iska bedelin dhaqanka siyaasadeed ee hada dalka ka jira, gaar ahaan haddii aanay isku soo dhowaan dowladda Dhexe iyo dowlad Goboleedyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*