26th July 2024  admin  Category :

Dawladda federaalka ayaa muddo horre waxeey dalka ka ceeyrisay ergeygii Qarmada Midoobey ee Soomaaliya, Nicholas Haysom, kadib markii uu dawladda federaaka weeydiiyey su’aalo ku aadan tacadigii 15ka qof lagu dilay ee ka dhacay magaalada Baydhabo. Hase ahaatee, dawladda oo aan wax jawaab ah siinin ergeyga, ayaa u sheegtay inuu dalka isaga baxo.

Hadaba, waxaa soo baxaya warar sheegaya in safiirka Mareeykanka ee u fadhiya dalka Keenya uu yimid dhawaan magaalada Muqdisho. Safiirka, ayaa kullan la yeeshay Madaxweeyne Farmaajo, wuxuuna u sheegay in arrinta badda ee kalla dhaxeeysa dalka Kenya uu dib uga soo celliyo Maxkamadda Caalamiga ee ICG, miiska wada hadalkana uu soo fariisto.

Sidee safiir Mareeykan ah oo dalka Kenya u fadhiya dalka Mareeykanka uu ugu sheegaa madaxweeyne Soomaaliyeed inuu maxkamadda ka soo celliyo dacwadda badda? Aaway kuwii ergeygii Qarmada Midoobay, Nicholas Haysom, dalka kaasaray ee iska dhigayey wadaniyiinta? 

Waxaa dhab, ergeyga iyo safiirkan Mareeynka cidda ay mudaneen in si adag loogu jawaabo, loona canbaareeyo ay aheed ninka soo fara gelliyey madaxbannanida dalka Soomaaliya ee ah safiirka Mareeykanka, kaas oo dawladda amar ku siiyey ineey ka soo celliso dacwadda badda Maxkamadda Caalamiga.

Hadaba, wargeeyska marka uu wareeysigaas safiirka uu soo qoray, ayaa waxaa arrintaas wax ka yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Tarsan, kaas oo beeniyey inuu jiro kullan dhex maray Farmaajo iyo ambaasadoorka Mareeykanka, warka wargeeyska Daily Nationa uusan waxba ka jirin.

Waxaa dhab ah, inuusan wargeeyska Daily Nation uusan soo qorin fikir iyaga ka yimid kaas oo la beenin karo, balse meesha waxaa maraya wareeysi lala yeeshay ambaasadoorka Mareeykanka, Daily Nationa kuma been furteen safiirka Mareeykanka, kamana sheegeen wax uusan oran.

Hadaba, cidda beenta sheegeeysaa waa dawladda federaalka oo iyadu ah midda marar badan inta ay wax qaribtay, hadana albaabka hoosta ka soo xiratay. Hadda, haddii safiirka aan wareeysi laga qaadeeyn, waxaa dhab ah inaan la ogaadeeyn waxa ay qarsanayaan kooxda Nabad iyo Nolol la baxday, mana ahan in wadamada  qaarkood laga dacwooda, dadka qaarkiisna dalka laga saaro, meesha ninka soo fara gelliyey madaxbannaanida dalka Soomaaliyana aan waxba laga oran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*