1st May 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ku dhawaaqay $200,000 oo Dowladdu ugu talagashay in lagu dayactiro Garoonka Kubadda Cagta ee Boosaaso.

adaxweynaha Dowladda Puntland oo ku dhawaaqay $200,000 oo Dowladdu ugu talagashay in lagu dayactiro Garoonka Kubadda Cagta ee Boosaaso.

Boosaaso, Oktoobar,22,2019, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta ka qeyb-galay munaasabad ciyaar saaxiibtinimo oo u dhexaysay labo naadi oo ka tirsan kuwa gobolka bari, qaar ka mid ah golaha wasiirada maamulka gobolka bari kan degmada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ku weheliyey madaxweynaha daawashada ciyaartaan oo loogu magac-daray is-dhexgalka bulshada iyo booliska Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo dhammaadka ciyaarta la hadlay Dhallinyarada ayaa ku booriyey ka shaqaynta Nabadda iyo guud ahaan horumarka Puntland, sidoo kale madaxweynaha ayaa dhallinyarada ku ammaanay sida ay ula shaqeeyeen Booliska.

Dhanka kale madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dowladdu ugu deeqday lacag dhan ($200,000) labo boqol oo kun oo doolar dhismaha garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso.

Image may contain: one or more people, people playing sports and outdoor
Image may contain: 38 people, people smiling, crowd and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, sky, beach, ocean, child, basketball court, outdoor and nature
Image may contain: 30 people, people smiling, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, crowd and outdoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*