26th July 2024  admin  Category :

Yaa maal geliya Sawirada badan ee uu Amin Caamir ka samaynayo  Gaas sida heesaaga caanka ah Faladegan uu u sameeyo heesihiisa

Yaa maal gelinaya dagaalka joogtada ah ee Amin caamir ku hayo  madaxweynaha Puntland Cabdi weli Gaas, halka marka ay  doorashada Somaliland Socotay uu Muuse Biixi oo xasuuq ka gaystay Waqooyiga Soomaaliya ku sheegay  inuu yahay hogaamiye g’oaan qaadasho leh. Ma go’aankii halka maalin Isir nacaybka reer Awdal lagu xasuuqay  1000 qof,  ayaa ahaa Go’aan qaadasho. Amin  Caamir ayaa ka jawaabi doona.

Su’aasha is waydiinta  mudan ayaa waxay tahay Amin Caamir oo sagaalkiisii sawir ee ugu danbeeyey ka sameeyey  madaxweynaha Puntland Cabdi weli Gaas, ayaan beel ahaan  ka soo jeedin Beesha Daarood ee degta  degaanada Puntland, Murashixiinta ordaysa kuma jitaan  mid ka soo jeeda Carab Soomaal oo beeshiisu tahay  haddii  la dhihi lahaa qabiil ayuu ku taageerayaa  , isugu ma tegin sida aan taariikhda ku hayno degaanada Puntland, hadana wuxuu dagaal ugu jiraa in Madaxweyne Gaas uuna  mar labaad soo laaban ,  laakiinse  markuu ordayey gacan ku dhiigle Muuse Biixi inuu Somaliland madaxweyne ka noqdo, oo horay Soomaali u soo xasuuqay, oo ololaha ku galay inuu Soomaali kala go’ynayo wuxuu Amin Caamir Ku sheegay inuu yahay hogaamiye go’aan qaadasho leh

Yaa maalgelinaya sawirada tirada badan ee Amin Caamir  uu ka samaynayo madaxweyne Gaas sida Heesaaga caanka ah ee Soomaaliyeed  Faladegan  u sameeyo Heesihiisa?.

Fahad yaasiin iyo Villa Soomaaliya ayaa wada olole ay ku doonayaan in madaxweyne Gaas uuna dib ugu soo laaban hogaanka Puntland,  iyaga oo  laaluush ku  bixinayo falkan guracan. Halka masaakiintii Soomaaliyeed ay maalin walba qarax lagu dilayo oo lagu dayacay amaankood meel aan ka fogayn albaabada Villa Soomaaliya

Allah ha u naxariiste Diinle Kabiirow. Wuxuu ku dhintay qaraxii tiyaatarka, isaga oo wada gaadhi gacan uu ugu shaqayn jiray qoyskiisa oo dan yar ah.
Meel aan ka Fogayn oo 1 km u jirta, oo ah Villa Soomaliya iyadana waxa ku sugnaa madaxdii Soomaaliyeed oo ku mashquulsanaa Lacagtii loo diri Amin caamir si umadda Soomaaliyeed loo marin habaabin lahaa .
Sawirada hoose waa agoontii uu ka tegay Diinle Kabiirow ee danyarta ahaa ee qoyskiisa gaadhi gacanka ugu shaqayn jiray iyo Amin caamir oo musuqmaasaqii laga soo diray Villa Soomaaliya uu  gaadhay oo sawir marin habaabin ah ka soo sameeyey madaxweynaha Puntland. Nabad iyo Nolol Soomaaliya kama jirto ee  musuqmaasaq kii ugu xumaa ayaa ka socda

Ugu danbayntii Xildhibaanada  reer Puntland, oo 26 ka mid ah ay ka soo jeedaan gobolada Sool iyo Sanaag oo ninkii xasuuqa u gaystay markuu ahaa hogaamiyaha SNM  uu Amin Caamir ku sheegay hogaamiye  go’aan qaadasho leh , ayaa lwaxay leeyihiin codka iyo  go’aanka lagu dooranayo hogaamiyaha soo socda. Waxba laga waydiin maayo nin aan degaanka u dhalan oo laaluush lagu soo siiyey marin habaabinta reer Puntland. Soomaalinimadana u yaqaan hadba qofkii jeebka wax ugu rida, xitaa hadduu yahay Gacan ku dhiigle xasuuq Soomaaliyeed soo gaystay

ALLSANAAG.COM

Sawirka Khaalid Ibraahim.

Sawirka Khaalid Ibraahim.

 

Sawirka Khaalid Ibraahim.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*