27th July 2024  admin  Category :

Golaha wasiirada  uu soo magcaabi doono madaxweyne Deni,  waxa lagu ogaan doonaa caddaaladda lagu soo  xulay ,    wasiirka uu u soo  magcaabo  beesha reer Puntland ee maamulka Puntland wax ka dhistay, canshuurta ugu  badana bixisa  ee aan maamulka Puntland  ku  lahayn madaxweyne, madawene ku xigeen, gudoomiye baarlamaan, labada gudoomiye ku xigeen ee baatlamaanka iyo caasimadda.

Bishan aynu ku jirno horaanteedii, afar iyo tobon sano ka hor waxa magaalada Boosaaso  ku geeriyooday, oo lagu aasay xabaalaha Biyo kulule  Allah ha u naxariistee Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Marxuum Siciid Maxamed Maxamuud oo lagu naanaysi jiray (Siciid Caduur)

 

 

 

Dhimashada Wasiirka ka hor, wasiirka maaliyadda Puntland waxa lahaan jiray Beesha Dishiishe. Laakiinse maalinii uu  dhintay ayaa mid ka mid a beelihii horay sadbursiga loogu tuhmayey ay wasiirkii maaliyadana  ku sii darsatay intii ay horay u booben,

Beeshii wasaaradda Maaliyadda boobtay,  ma ay   keenin nin  Hantida Bulshada Puntland  wada leedahay dhowra ee waxay keeneen  kuwo umaddii reer Puntland  nolosha ku dubtay iyo tuug aan ka  xishoonayn xatooyo qaran, kuwas   oo ay ka mid ahaayeen Gaagaab iyo Faroole oo horay u soo noqday wasiiradda maaliyadda Puntland

Hadaba kumuu ahaa wasiirkii ugu danbeeyey ee maaliyadda ee beesha Dishiishe ku  lahayd  maamulka Puntland

Allah ha u naxariistee Siciid Maxamed Maxamuud (Siciid Caduur) wuxuu ku dhashay magaalada Boosaaso sanadkii 1937-kii, hooyadii waxaa la oran jiray Saynab Maxamed.

1953-dii waxaa loo qaatay ciidamadii daraawiishta ee la oran jiray Wiilwaal oo saldhiggoodu ku yaallay magaalada Beledweyne

1960kii wuxuu noqday hogaanka maamulka lacagta ee ciidamada Booliska.

1968-dii wuxuu ka ruqsaystay ciidamadii booliska isagoo isku sharaxay inuu noqdo mudane baarlamaan isagoo iska sharraxay xisbigii la oran jiray Xisbiga Hawliga iyo Hantiwadaagga ee magaalada Boosaaso.

March 1969kii ayuu si rasmi ah uga mid noqday xildhibaannada baarlamaanka

Biishii may isla sanadkaasi waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada.

Isla sanadkaasi markii uu inqilaabku dhacay kama uusan mid noqon wasiirradii la xiray.

Sanad ka dib 1970-kii waxaa loo magacaabay agaasimaha madbacadda gobollada waqooyi galbeed.

1975-tii waxaa loo magacaabay agaasimaha waaxda ganacsiga ee madbacadda qaranka ee xamar.

1978-dii waxaa loo magacaabay ku xigeenka maareeyaha madbacadda qaranka ilaa iyo burburkii dhacay ayuu xilkaasi hayay isagoo welibana ahaa agaasimihii waaxda ganacsiga.

1991-dii -1992-dii markii ay burburtay dowladdii dhexe wuxuuka mid noqday guddiyadii ururka SSDF-ta ee gobolka Bari.

Wuxuu ka mid ahaa dadkii markii C/laahi Yuusuf raacsanaa xiligii uu gudoomiyaha SSDFahaa ayna isu raaceen magaalada Muqdisho iyo weliba dalka Itoobiya.

1993-dii wuxuu kamid noqday ergadii ka qayb qaadatay shirkii dib u heshiisiinta Mudug.
1994-tii wuxuu ka qayb galay shirkii sodera ee lagu midaynayey garabyada SSDF
1996-dii golihii dhexe ee SSDF isagoo gudoomiye ka ahaa golihii hanti dhowrka ee SSDF.wuxuuna noqday Guddoomiyaha Hanti dhowrka SSDF

1998-dii wuxuu ka mid noqday aas aasayaashii dhismaha dowlad goboleedka Puntland, xilkii ugu horreeyay ee loo magacaabay wuxuu ahaa wasiirka maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland wuxuuna xilkaasi hayay ilaa bishii June 2003-dii.

2003-dii waxaa loo dhiibay xilka wasaaradda caafimaadka.
2004- Waxaa caafimad loogu qaaday Magaalada Nairobi
2005- Waxaa loo magcaabay la taliyaha Madaxweynaha xagga arrimaha dhaqalaha

Mudooyinkii ugu dambeeyay marxuum Siciid Maxamed Maxamuud Siciid Caduur xaaladiisii caafimaad waxay ahayd mid aad u liidatay. Wuxuuna dhowr jeer uu safar caafimaad u tegay magaalada Nairobi.

Marxuumka wuxuu lahaa hal xaas oo lagu magacaabo Cibaado Dhaadey Magan, wax caruur ahna ifka uguma tegin.
Waxaan u rajaynaynaa in allaah jannadii geeyo eheladiisii iyo umadda somaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

https://allsanaag.com/caddalada-murashaxiinta-majeerteen/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*