8th September 2024  admin  Category :

Waxa Baraha Bulshada qabsaday dacaayad raqiis ah oo qofkii caqligiisu shaqaynayo uu garan Karo in ujeedo laga leeyahay oo LA doonayo in layska hor keeno beelaha walaalaha ah ee Dhulbahante IYO Warsangeli

Dacaayadan ujeedada laga leeyahay aaya lagu Sheegay in jidka Ceeldaahir IYO Ceerigaabo la Mariyo hub u socda jabhadda SNM.

Haddi warkani uu run yahay ilaa magaalada Ceel daahir deked kuma taale, xagee hubkani ka soo degay, xageese soo maray intaanu jidka barakaysan soo gaarin? haddii uu Muqdisho ka yimid sidee ku soo dhaafay Gaalkcayo ilaa gobolka Sanaag.

Intaan kor ku soo sheegnay aaya cadayn kuugu filan in gaadiidkani inta uuna so gaarin JIdka Ceel daahir uu soo maray degaamo kale oo ay beesha Harti degaan. Waxa kale oo aan caqli gal ahayn n caruurtii Gobolka oo ku dhimanaysa dagaalka Sool in hubkii lagu dilayey uu Gobolka si sahlan ku dhex maro.

Gaadiidkan aaya ah kuwii hory u Mari jiray jidka barakaysan ee ka shaqayn jiray Bosaaso ilaa Ceerigaabo. Waana sababtii loo dhisay jidkan Ceel daahir ilaa Ceerigaabo.

Hadaba Yaa ka danbeeya dacaaydan raqiska ah?

Kooxdii horjoogayyasha ee Oran jiray Jamhuriyadda Qaranka Somaliland , uguna Abtirin jirtay horjoogaha SNM iyaga oo jidbaysan Muuse Biixi cabdi aaya Hadda ISU bedelay Qalas IYO Darwiish si ay umadda xornimo Doonka ah isugu ekeesiiyaan una Marin habaabiyaan. Wana Kuwa ka danbeeya qoraaladan edebta daran IYO aflagadaynta Isimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*