26th July 2024  admin  Category :

Hoggaamiyaha koox diimeedka Kiristanka ee dalka Kenya, ayaa lagu wadaa in toddobaadka soo socda la soo taago maxkamad, iyadoo ay weli socoto soo saarista meydadka laga helay xabaal wadareedyo ku yaalla halka ay ku yaallaan xarumihii cibaadada ee isagu maamuli jiray. Ugu yaraan 90 qof, ayaa illaa iyo haatan la helay meydadkooda.

Baadari Paul Nthenge Mackenzie, ayaa sheegay inuu xiray Kaniisadiisa la magac baxday “Wanaagga Caalamiga ah“ afar sano ka hor kadib ku dhawaad labaatan sano oo uu ka shaqaynayey.

Laakiin BBC-da, ayaa daaha ka rogtay boqollaal khudbadihiisa ah, oo weli laga heli karo internetka, kuwaasoo qaarkood ay u muuqdaan in la duubay taariikhdaa uu sheegay kaddib.

Sawir noocee ah ayuu bixinayaa nin xertiisii ay gaajo u dhamaadeen?

‘Yeysan cidna soo laaban’

Baadari Mackenzie, ayaa wuxuu khudbooyinkiisa u jeedinayaa jameeco tiro badan, isagoo markaa kusoo gudbinaya cod uu ku dheehan yahay qiiro iyo xamaasad, halka uu aad ugu riyaaqo mowduucyadiisa diiniga ee uu soo gudbiyo.

“Waxaan ku dhownahay inaan gaarno hadafkeenna … qofna yuusan dib u noqon… geedigii aan ugu jirnay inaan ku gaarno guusheenna wuu dhow yahay,” sidaasi waxey ku qorneyd boor kasoo muuqda shaashada.

Mid ka mid ah muuqaallo taxane ah oo ku jira kanaalka YouTube ee kaniisaddiisa, ayaa waxaa ku qornaa: “Dhammaadka carruurta”, kaasoo muujinaya kooxo carruur yaryar ah, oo fariin kasoo diraya dhanka iyo Kamaradda

baadiriga

Kuwo kale waxay ku dhamaadaan qaab aan wanaag saneyn, kuwaasoo dadka raacsan – badanaa dumarku – ay dhulka ku garaacaan, inta uu “xanuunka gaarayo” xoogagga jinniyada ee iyaga ku dhex jira.

Kanaaladan YouTube-ka, ayaa waxaa ku tixan kumanaan dad ah, iyo bogga Facebook-ga, oo looggu tala galay isku xirka kaniisadda baadariga, iyo ee qaar badan oo ka mid ah muuqaalladiisa.

Ma cadda goorta la duubay khudbadaha, laakiin waxaa jirta tixraac ku saabsan dhacdo muujineysa inay ka qabsoontay magaalada Nairobi bishii Janaayo ee sanadkii 2020, taasoo ka hor imaneysa sheegashada baadari Mackenzie, ee ah inuu soo afjaray hawlihiisa wacdinta sannadkii ka horeeyey xiligaasi, kaasoo ku beegan sanadkii 2019-kii.

‘Carruurtu waxay la ooyayaan gaajo darteed, ha dhintaan’

Xubnihii hore ee kaniisadda, ayaa ku andacoodey in lagu qasbay inay soomaan, taasoo qayb ka ah u hoggaansanaanta waxyaabaha uu baray baadari Mackenzie.

Ma jiro caddayn toos ah oo ku jirta daraasiin muuqaallo oo aan aragnay, taasoo baadari Makenzie uu si toos ah dadka ugu amray inay soomaan, laakiin waxaa jira tixraacyo badan oo dadka taabacsan baadarigani ay u sameynayeen nafhurnimo iyo kal gacallo, xitaa haddii ay naftooda ku waayayaan.

Kenya
Qoraalka sawirka,Dad u oynaya qaraabadooda oo dhintay

“Waxaa jira dad aan xitaa rabin in wax loogga sheego waxyaabaha [ku saabsan] Ciise. Waxay yiraahdeen carruurtoodu way ooyaan, sababtoo ah way gaajaysan yihiin, ha dhintaan. Ma dhib baa halkaas ka jira?”

Wareysi uu siiyay wargeyska Nation ee Kenya dhowr toddobaad ka hor, Pastor Makenzie, ayaa beeniyay inuu ku qasbay xertiisa inay soomaan.

“Ma jiraa guri ama xayndaab ama dayr ku yaalla [beerta] oo laga yaabo in dadka lagu xiray?” wuxuu uu ugu war celiyey jawaabtaasi mar uu wariyuhu wax ka waydiiyay arrintaas.

‘Waxbarashadu waa sheydaan’

Mawduuca kale ee khudbadaha baadari Mackenzie, ayaa ahaa fikradda ah in waxbarashada rasmiga ahi ay tahay xumaan ama shaydaannimo, laguna socod siiyo hawlaheeda lacago baad ah oo dadka laga qaado.

“Waxay og yihiin waxbarashadu inay shar tahay. Laakiin waxay u adeegsadaan danahooda gaarka ah” ayuu ku yiri khudbad uu jeediyey baadarigu. “Kuwa iibiya dharka, buugaagta qora…kuwa qalimaanta sameeya…isagoo waxyaabahaaas oo dhan ku tilmaamay baadarigu, qashin kala nooc ah. Sidoo kale, lacagta dadka wax barashada ku bixiyaan, ayuu Mackenzie ku sheegay in dadka maamulka xarumaha waxbarashada haya ay ku taajiraan, halka shacabku ay faqriyaan.

Sanadihii 2017-kii iyo 2018-kii, ayaa waxaa loo xiray inuu ku dhiiri geliyay carruurta inaysan tagin iskuulada, isagoo ku andacoonaya in waxbarashada qaabaysan “aanay qeyb ka ahayn afkaaraha uu xambaarsan yahay kitaabka Baybalku”.

Baadariga Mackenzie, ayaa sidoo kale cambaareeyay waxbarashada la xiriirta dardar galinta iyo dhiiri galinta galmada dadka isku jinsiga ah, iyadoo loo marayo barnaamijyada waxbarashada galmada.

“Waxaan dadka u sheegay in waxbarashadu ay tahay wax xun…. Carruurta waxaa la baraa galmada dadka isku jinsiga ah,” ayuu u sheegay wargeyska Nation.

Dhakhaatiirtu ‘waxay u adeegaan Ilaah kale’

Waxa uu sidoo kale ku dhiiri galiyay haweenka inay ka fogaadaan inay daryeel caafimaad u raadsadaan xarumaha caafimaadka xilliga dhalmada, oo aysan ubadkoodana talaalin.

Mid ka mid ah muuqaallada, haweeney ayaa ka sheekeyneysa sida ay uga caawisay duco inay ilmo dhasho, iyada oo aan loo baahanin qalliin, waxay intaa raacisay inuu markii dambe soo gaaray “dardaaran” ka yimid Baybalka, si ay deriskeeda uga digto inaaney caruurtooda tallaalin.

Baadariga, ayaa wuxuu markaa ku celcelinayaa dareenkiisa ah in tallaallada aan loo baahnayn, isagoo ku andacoonaya in dhakhaatiirtu “ay u adeegaan Ilaah kale”.

Waxaa kale oo uu haweenka ka niyad-jebiyaa inay timahooda tidcadaan, buruko ku xirtaan timaha iyo xirashada waxyaabaha ay dumarku isku qurxiyaan.

Astaamaha Shaydaanka iyo aragtida shirqoollada caalamiga ah

Inta badan khudbadaha wacdiga baadari Mackenzie, ayaa waxay la xiriirtaa dhammaystirka waxyaabaha uu sheegayo Baybalku, ee ku saabsan Maalinta Yomul Qiyaamaha.

Waxyaabaha ku jira internetka ee kaniisaddu, ayaa waxay sidoo kale ka kooban yihiin qoraallo la xiriirta dhammaadka adduunka, masiibada soo socota iyo khatarta sayniska ee la filayo.

Waxaana jira digniino isdaba joog ah, oo laga soo gudbinayo xoogga shaydaanka ee wax walba oo awood badan, oo sida la moodo uu soo dhex galay madaxda ugu sareysa ee adduunka.

Astaamo diimeedyo

Wuxuu si isdaba joog ah uu u eedeynayaa “Hannaanka Cusub ee maamulka Adduunka” – iyo aragti shirqool ah oo ku saabsan afkaar ay wadaan madaxda caalamiga ah, si ay u keenaan dawlad caalami ah oo kali talis ah, oo beddeleysa Qaramada Midoobay – isagoo si been abuur ah u sheegaya kaniisadda Katooliga, Jimciyadda Quruumaha Ka Dhaxasay iyo Mareykanka inay waxaas oo idil ka danbeeyaan.

Waxaa kale oo uu aad uga shakisan yahay teknoolajiyada casriga ah, isaga oo hore u sheegay qorshe ay dawladda Kenya ku doonayso, in ay u samayso lambar aqoonsi oo u gaar ah muwaadiniinta, si ay u helaan adeegyada dawladda ay tahay ‘calaamadda bahalka’.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*