28th March 2024  admin  Category :

Yaa bedelayaa Xildhibaankii dhowaan ku geeriyooday Garowe

Dhowaan magaalada Garowe waxa lagu qaban doonaa doorsho loo tartamayo qofkii bedeli lahaa Xildhibaankii  dhowaan ku  geeriyooday  Caasimadda Puntland ee Garowe.

Sida ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen beesha uu ka soo jeeday marxuumkii dhintay Allah ha u naxariistee Daahir Xaji Geele,  ayaa waxay  ka heshiiyeeeb dhamaan  khilaafkii dhexdooda ahaa. Gaar ahaan Ragii la tartamayey Marxuumka,  marka uu xilka  Xildhibaanka ku guulaystay ayaa waxay la yimaadeen  Tolnimo, Tanaasul iyo Ilbaxnimo. Waxayna soo jeediyeen  in marxuumka  dhintay lagu bedelo walaalkiis Caaqil Maxamed Xaaji Geele. Siyaasiyiintan tanaasulay ayaa horay dacwad u gudbiyeen hadda joojiyey iyaga oo xeerinaya Tolnimada iyo wada noolaashaha

Sida la sheegay doorasho waa lagu  qabanayaa Garowe , hase ahaatee   boqlkiiba sagaashan iyo sagaal  waxa ku soo baxaya  Caaqil Maxamed Xaaji Geele sida lagu wada heshiiyey oo laysku afgartay

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*