26th July 2024  admin  Category :

Deeqdii Imaaraadka soo direen shalay oo maanta noqotay Saabuunta gacmaha lagu dhaqo sida ay sheegeen Kooxda Muqdisho.

Shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo tan caafimaadka ayaa sheegay in markii la furay Kartoonadii deeqdii ka timid dalka Imaaraadka maalintii shalay laga waayey wax dawo ama qalab kale oo caafimaad, balse ay siday oo kaliya Saabuunta gacmaha lagu meyrto.

Saraakiishan ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxa ay sheegeen, xataa in aysan xaqiijin karin in Saabuunta Imaaraadku ugu deeqay Soomaaliya ay tahay mid dili karta Coronavirusa, si la mid ah alkolada.

“Inta badan saabuunta gacmaha ayaa loo adeegsadaa oo kaliya nadaafadda, waxaana badanaa la dhigaa musqulaha, mana cadda in midda Imaaraadka ay ka duwan tahay maadaama aan weli la tijaabin.”

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in dowladda Imaaraadka ay kala wareegeen deeq caafimaad oo iskugu jirta dawooyin iyo qalab kale oo lagula tacaalo cudurka Coronavirus.

Hadaba maxaa is bedelay oo deeqdii dawooyinka ahayd ee shalay la gudoomay ay maanta ay u noqotay saabuun?. Sidoo kale deeqdii Garowe iyo Hargaysa la geeyey maxayy iyaguna u noqon waayeen Saabuunta Xamar la geeyey oo kale

Wax kale maahee waa musuqmaasaq Muqdisho ka jira iyo in aan Deeqdan Muqdisho la keenay la gaarsiin gobolada kale ee Koonfurta Soomaaliya. Shaqaalahan Wasaaradda Caafimaadka ee leh Saabuun ayeey noqotay deeqdii Imaaraadka, waa kuwo lagu eedeeyey in Mishiinkii qura ee lagu neefsanayey Cisbitaalka Martini ay u soo qaadeen Guriga madaxweyne Farmaajo , si haddii loo haleelo uu isaga kaligiis u isticmaalo.

Ugu danbayntii Kooxda Muqdisho ee musuqmaasagu dilooday lama rumaysan karo ee waxaan sugnaa jawaabta ay ka bixiyaan dawladda Imaaraadka in deeqdoodu ahayd Saabuun iyo Dawooyin

Allsanaag.com news@allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*