26th July 2024  admin  Category :

Khayre Oo Go’aamiyay in Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir La Siiyo Lacago Ay Uga Hortagaan Covid-19

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Feedraalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka Covid-19.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo xalay guddoomiyay kulanka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 oo ku qabsoomay mareegta Internet-ka, ayaa wasaaradda maaliyadda ku amray fudueynta min hal Miyan oo doollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimmadda ay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka cudurkaan.

Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee deegaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin, waxayna soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*