27th July 2024  admin  Category :

Waa Xusuus. Halka ka dhegeyso heesihii Aktoobar la qaadi jiray qaarkood.

Halkan ka dhegeyso heesta “Aan Barano Af Soomaaliga” iyo xilligii ololaha Af Soomaaliga. Hadda qaar badan oo mooryaanta qalinka loo yaqaan ayaa carruurtii Soomaaliyeed Carabi iyo Ingiriis iskuulaadka ugu bilaaba iyagoo jaahilnima darteed kala garan la’ aqoonta iyo afka. Waxay garan la’ yihiin ilmaha in afkiisa wax loogu bilaabo ayuu aqoonta ku dhuuxaa, fekerka ku fahmaa, ujeedada ku gartaa, oo afafka kale mar kuu doonuu baran karaa laakiin haddii aqoonta aasaaskeeda laga xumeeyo waa adag tahay siduu dib isugu soo dhisaa. Mooryaanta waxbarashada, ee aan dawlad iyo nidaam imtixaata, hubisa, oo la socota waxay iyagu yihiin iyo waxay dhigaan aan weligood la marsiin, ayaa tuula iyo gidaar kasta dugsi iyo jaamacad isbaara ah ka taagay. Af Soomaaliga, Soomaali iyo Soomaaliya waa loo wada yaabaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*