10th August 2022  admin  Category :

Beesha Daarood, ayaa ah beesha qura ee Soomaaliyeed ee waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya lagu xasuuqay, waana beesha qura oo Isir nacayb dartiis loogu xasuuqay waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya; sidoo kale, dad badan oo ka mid ahaa beesha Daarood ayaa markii xasuuqa aadka u xun lagu hayey qariyey haybtoodii iyo dhalshadoodii, waxeeyna danta ku khasabtay inay sheegtaan beelo kale si ay u bad baadaan. siddii markii ay ka soo qaxeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ay marayeen Gobolada dhexe.

Xasuuqan beeshan loo gaystay ayaa ku salaysnaa beel si gaar ah loo bar tilmaameedsanayey, waxaana ka mid ahaa xasuuqyadan ka kalla dhacay: Qaxootigii Jalalaqsi, Isbaaraddii gobolka Hiiraan, Muslimiintii maalintii Ciida ku tukanayey Xudun, Dumarkii iyo caruurtii ka qaxay Muqdisho ee looga daba tegay Kismaayo, dadkii lagu ururiyey dugsiga Maxamuud Axmed Cali ee la wada toogtay, dadkii dilka ka baxsaday oo ay doomuhu la degeen oo Libaax badeedku cunay, kuwii xeryaha qaxootiyada Keenya iyo Dhoobleey ugu dhintay cudurada shuban biyoodka iyo kaneecada. Beeshan ayaa ah beesha qura oo ilaa maanta uu saamaynta ku reebay xasuuqyaddii loo gaysanayey.

¬†Kumaakun qof oo bulshada wax tari lahaa ayaa si naxariis la’aan ah loogu dilay beesha ay ka soo jeedaan iyaga oo aan shaqo ku lahayn ciidan iyo dawlad midna. Dhibta loo gaystay ayaa waxa ka mid ahaa in iyaga oo qaxaya oo cayr ah inta Miis iyo Kursi loo dhigtay inta u dhaxeeysa Muqdisho illaa iyo Gaalakacyo, marka la ogaaday cidda ay yihiin la tooganayey. Marka Dumarka iyo Caruurta aabayaashood lagu hortooganayey madaxddii dalka ugu saraysay sida Allah ha u naxariistee Xuseen Kulmiye Afrax, maalina Muqdisho kama bixin waxna lama gaarsiin. Ismaaciil Cali Abokar iyo ina Laxwas iyaguna Hargaysa ayaa lagu soo dhoweeyey.

Waxaa dhab ah in ay habboon tahay in beesha Daarood ay sammeeysato maalin gaar u ah oo ay ku xusayaan xasuuqii loo geeystay dadkooda. Maanta waxaan aragnaa in beelihii dhibka geeystay ay welli iyagii isku arkaan ineey yihiin dhibanayaal 30 sanno ka dib. Hadaba waxaa lagama maarmaan ah in beel kasta oo Soomaaliyeed ay sammeeystaan maalin u gaar ah oo ay ku xassuusanayaan xasuuqii loo geeystay iyo cidda u geeysatay. Haddii ay noqon lahaayeen Raxanweeyn, Jareer, Cadcadkii iyo dabcan Soomaalida kalle.

GabagaHadaba soo lama gaarin haddii ninkii dawlad qoriga u qaatay inuu dumiyo uu sheegtay in la xasuuqay, in la tirakoobo shacbakii Daarood ee aan qoriga qaadan ee Isir nacaybka loo xasuuqay iyo degaanadii lagu xasuaqay?

https://allsanaag.com/galaal-iyo-taariikhdiisa-madow/

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*