26th April 2024  admin  Category :

Denbiyadan dadkii galay goormaa maxkamad la hor keeni doonaa.

Magacaygu waa Maryan,  waxaan ku noolaa Muqdisho, waxaan dhigan jiray mid ka mid ah jaamacadihii Muqdisho burburka ka hor. Waxaanu isku jaamacad ahayn oo aanu asxaab dhow  ahayn gabdho dhowr ah oo aad u qurux badnaa, xishood badnaa waxbarashadana aad ugu  fiicnaa. Dhamaantood Muqdisho ayaa laga qaxiyey, badda ayeey ku wada dhinteen, waxa ka mid ahaa Allah ha u naxariistee dhamaantood.

Nasro Gaalkacayood oo ka soo jeeday beesha Majeerteen, Saamiya Xaaji cabdiraxmaan oo ka soo jeeday beesha Ogayslabe, Layla Cali Keenadiid oo ka soo jeeday beesha Dhulbahante. Dhamaantood badda ayeey ku dhinteen oo Doomihii ay la socdeen ayaa la degtay  iyaga iyo qoysaskoodii oo ay ku jireen waayeel, caruur, curyaamo iyo hooyooyin uur leh.

Gabadh kale oo Shukri la oran jiray iyadana naaska ayaa laga jaray oo dhiig bax ayeey u dhimatay. Ninkii ka jaray waxay isku beel yihiin Xasan Xaad, Waxay deganayd xaafadda Hawlwadaag

Islaan waayeel ah oo ka soo jeeday degmada   Qardho, oo aan aqaanay iyadana  ina adeerkeed oo Jiis ah ayaa lagu hor kufsaday oo lagu yiri daawo sida ay wax u dhacayaan

Macakinkii Jaamacdda Allah ha unaxariistee Abyan iyo shan nin  oo la socotay oo ka soo jeeday beesha Daarood waxa lagu dilay albaabka guri ay ku sugnaayeen Galaal iyo Caydiid.

Maanta Generaal Galaal, isaga oo Hargaysa ku sugan ayuu ka waramayaa  taariikh uu isagu soo aliftay uu ku raali gelinayo jabahadda SNM , Isaga  oo ka been sheegayo madaxddii Soomaaliyeed ee dalka soo martay oo dhamaantood maanta inaga wada hooseeyaan oo ay wada geeriyoodeen oo aan iska  difaaci karin aflagaadadiisa iyo been abuurka Galaal   . Taariikhda uu  ka sheekaynayaa Galaal  ee uu  ku maaweelinayaa SNM  waa lixdankii markii laysku darsaday Koonfur iyo Waqooyi  iyo dagaalkii Itoobiya, Hadaba soo lama gaarin xilligii uu Galaal  ka sheekayn lahaa, taariikh dhow oo uu si fiican u xasuusan yahay wixii dhacay iyo siday wax u dhaceen   isaga oo ku sugan maxkamadda Hague (International Court of Justice), dilalkii, kufsigii iyo barakicintii ISIR nacaybka ahayd ee uu ka gaystay Koonfurta Soomaaliya markii uu hogaaminayey Jabahaddii USC.

https://youtu.be/3SgCIP2z7N0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*