28th March 2024  admin  Category :

Madaxweeyne Farmaajo ayaa isku dayeya wax kasta inuu sameeyo si dib loogu soo doorto. Arrimo badan oo uu dhawaanahan sameeyey ayaa ka mid ah u ol’olleenta arrimaha matalaada caasimada Muqdisho, la hadalka beelaha Hargeeysa iyo nawaaxigeeda, Jubaland iyo dabacan maamul goboleedyada.

Tusaale, madaxweeynaha Farmaajo ayaa soo dhaweeyey in baarlamaanka uu u codeeyey in matlaada Muqdisho ee aqalka sare laga dhigay 13 xubnood, waxa uuna sheegay inuu ku faraxsan yahay. Hase ahaatee, waxaa dhab ah in beesha Hawiye ay xaqoodii ka heeysataan wax ku qeeybsiga nidaamka 4.5, balse 13ka xubnood ay yihiin badsasho loo badiyey beel gaar ah.

 Waxaana dhab ah in Farmaajo uusan ka shaqeeyneen wax caddaalad ah, balse dantiisa ugu weeyn ay tahay sidii uu kursiga ugu soo noqon lahaa mar labaad. Waxaan la soconaa in Caasimadda Muqdisho dadka degan oo dhan ay ka kalla yimideen beelaha kalla duwan ee Soomaaliyeed,  qof kastana matalaadiisa waxa uu ku heeystaa nidaamka 4.5. Hadaba, 13ka aqalka sare gaarka looga siiyey beesha Hawiye, waa mid cod lagaga doonayo beeshaas, balse ma ahan mid dalka u horseedaysa dariiq wannaangsan oo caddaalad ku saleeysan.

Sidoo kalle, Farmaajo waxa uu wadahadal la sammeeyey billihii ugu danbeeyey ee waqtigiisa beesha Isaaq, isagoona u ogolaaday wax badan oo ay rabeen si beesha caalamka uu u tuso inuu yahay hoggaamiye wannaagsan oo dalka isku wadi kara, iyo in xubnaha Isaaq ee Muqdisho joogo uu uga dhaadhiciyo in uu Hargeeysa soo wado sidaa darteedna ay codka isagaq siiyaan. Waxaa la shaaciyey in aysan dhici doonin doorasho qof iyo cod ah, nidaamka wax lagu soo dooran doonanana uu noqon doono kii laaluushka lagu kalla qaadanayey ee Farmaajo uu ku soo baxay 2017kii.

Midda kallana waa tallaabadii uu Jubaland ugu oggolaaday in Madaxweeyne Ahmed Madoobe loo aqoonsado inuu 2 sanno noqdo madaxweeynaha kumeel gaarka ah ee Jubaland, iyadoo laga soo billaabayo xilligii la soo doortay. Hase ahaatee, taas waxaa ganafka ku dhuftay maamulka Jubaland oo sheegay in aysan taa aqbaleeyn. Waxa kalloo aan la soconaa in Madaxweeyne Farmaajo lafsadiisa uu qadka talleefanka kulla hadlay Ahmed madoobe si uu isaga dhigo mid wax haggaajinaya si uu u hello codadka ka imanaya Jubooyinka.

Ugu danbeeyntiina, Farmaajo waxa uu diidanaa in uu la hadlo maamul goboleedyada dalka ka jira waqti dheer. Hase ahaatee, maalmihii ugu danbeeyay wuxuu la yimid isbeddel iyo sidii uu ulla kulmi lahaa madaxda maamulada, kullanlankii ugu horeeyeyna waxaa lagu qabtay aaladda Zoom ee la iska arko. sidoo kalle, wuxuu ku casuumay madaxda maamulada ineey ka soo qeeyb gallaan shir ka dhici doona Muqdisho oo looga hadli doono arrrimo badan.

Isku soo wada duub, arrimahan ugu danbeeyey ee uu Madaxweeyne Farmaajo la yimid dhamaantood, ayaa ah kuwo aan haba yaraatee ku iman daacadnimo iyo wannaag, balse waxa dabada ka riixaya oo kalliya ay tahay xummadda doorashada iyo sidii dib loogu soo dooran lahaa mar kale.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*