8th February 2023  admin  Category :

Xukuumadda PL oo $90’000 uqoondaysay urur siyaasadeedyada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ahna kusimaha madaxweynaha ayaa sheegay in Dawladdu ay $ 90’000 doollar ay u qonddeyeen ururrada siyaasadeedda Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa arrintan kaga dhawaaqay magaalada Qardho xilli uu ka daah-furayey diiwaan gelinta codbixiyayaasha doorashada golayaasha degaanka oo lagu geli doono hannaanka dimuqraaddiyadda ee nidaamka axsaabta badan.

Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa sheegay in sagaalka urur siyaasadeed midkiiba la siin doono $10’000 doollar si ay u dardar geliyaan shaqooyinkooda si hannaanka talada shacabka loogu gacan gelinayo uu u noqdo mid guulaysta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*