18th April 2024  admin  Category :

Puntland ayaa maalinta berri ah (16 May 2021) magaalada Qardho ka daahfuraysa diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada hordhaca golayaasha deegaanka saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Uffeyn.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa socon doonta tan iyo 29 bishan May, waxaana laga sameyn doonaa in ka badan 40 goobood oo ka tirsan saddexda degmo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa ugu baaqday dadweynaha degmooyinka Eyl, Qardho iyo Uffeyn in ay u diyaar garoobaan diiwaangelinta si ay codkooda u dhiibtaan una doortaan matalayaashooda golayaasha degmooyinka.

Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa ololaha wacyigelinta iyo tababarada shaqaalaha diiwaangelinta iyo kuwo korjoogteynta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*