29th January 2023  admin  Category :

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan.

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa ku dhawaaqay in 34 qof oo ka mida xubnihii la soo magacaabay ay baaritaan dheer kadib ay saameen ku yeesheen eedeentii la soo jeediyay ayna u kala direen maamul goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay

Dhawaan ayeey aheed markii midowga musharaxiinta ay soo gudbiyeen ilaa iyo 67 qof oo ay siyaabo kala duwen uga cabanayeen oo ay la haayeen waxay katirsanyihiin dowladda ciidanka iyo qaar siyaasisiina ama ay ku eedeenayeen in ay dhexdhexaad aheen.

Guddiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku soo magacaabaan xubnihii badali lahaa 34 taas xubnood ee uu guddigu soo gudbiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*