27th July 2024  admin  Category :

Reer Waqooyi ma Beel baa mise waa Gobol ka mid ah 18kii Gobol ee Soomaaliya?

Siyaasiyiinta Soomaalidu  waxay horay ugu heshiiyeen oo ay dastuurka ku wada qorteen,  in Xildhibaanada Aqalka sare ay Soomaali wax ku qaybsadaan  18kii gobol ee Soomaaliya ee jiray burburkii ka hor. Waxay ku heshiiyeen in  Gobol kasta uu helo 3 Xildhibaan oo aqalka sare ah. Dastuurkii  la qortay oo lagu heshiiyey  waa la jebiyey, oo waxa loo jebiyey  sidii Gobol iyo Nus loo siin lahaa  8 Xildhibaan.

Hadaba si Gobol iyo Nuska Galmudug loo siiyo sideed Xildhibaan ,  ayaa  Siyaasiyiintii Soomaali hor boodaysay markan  waxay yiraahdeen, waa ka maaranay dastuurkii oo   waxaynu wax ku qaybsanaynaa hadaynu nahay Soomaali Beelo iyo maamul goboleedyo. Waana sababta Gobolada Galguduud, Hiiraan, Shabeelaha dhexe iyo nuska Mudug ee beesha Hawiye degaan u heleen 16 Xildhibaan. Halka Gobolada Sanaag, Togdheer, Waqooyi galbeed Sool iyo Awdal ay iyagu hadda heleen 14 Xildhibaan.

Tusaale haddaan u soo qaadano gobolka Sanaag. haddii Gobolaysi wax lagu qaybsanayo beesha Warsangeli waa beesha ugu degmooyinka badan gobolka Sanaag. Sidaas awgeeed doorashada ka socota Xalane ee loo tartamayo kuraasta  aqalka sare ee gobolka Sanaag  waa inay la mid noqotaa doorashaddi ka dhacday ama ka socota guud ahaan Soomaaliya , oo ahayd in labo qof oo ka soo wada jeeda  hal beel  ay iyagu u wada tartamayeen. Waa in hal kursi oo ka mid ah  xildhibaanada Aqalka sare ee Gobolka Sanaag uu noqdaa mid ay u wada  tartamayaan  labo Qof oo ka soo wada jeeda Beesha Warsangeli. I

yada oo la xeerinayo in beeshu horay u fulisay  qoondadii dumarka oo ay labo Xildhibaan oo dumar ah soo doorteen oo  ay Muqdisho u direen.

Siyaasiga ka soo jeeda  Beesha Warsangeli oo Xildhibaanka Aqalka sare ee gobolka Sanaag kula tartama beelaha  Qori jarato, Cimraan iyo Sanbuur. isaga oo kursigan ka dhigaya Kursi ka wada dhaxeeya reer waqooyi, oo beri muran la gelinayo haddi ay taasi dhacdo   wuxuu la mid yahay Danaystayaashii damaca waalnaa oo Gobolka Sanaag ka dhigay in maanta loogu yeero dhulka laysku haysto. Ka dib markii ay Hargaysa u hunguri u doonteen, oo Bulshada Caalamka u sheegeen inay ka tirsan yihiin maamulka Beelaha ISAAQ SAMAYSTEEN

Ugu danbayntii Bulshada reer Maakhir oo Xildhibaankoodii hore ee Aqalka sare laga soo xawilay Koonfurta Soomaaliya iyaga oo aan dooran oo aan aqoon fiican u lahayn , In maantana Xildhibaankii Kale oo Jiho reer Waqooyi  Wataa in loo soo xawilo waxa keenay waa la xisaab la’aanta Isimadooda iyo maamulka ay ka tirsan yihiin. Maxaa markii hroeba keenay in labada Xildhibaan ee reer Maakhir  lakala qaado oo Maareeye iyo Xasan Culusoow inoo soo xawilaan

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*