29th March 2024  admin  Category :

Kooxdii Xaliimo Yareey oo ku guulaystay Kursigii Laascaanood ee Maamulka Hargaysa.

Gudoomiyahii hore ee  Guddiga Doorashooyinka qaranka Soomaaliyeed Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yareey) oo ku guul daraysaty inay doorasho dalka ka qabato, ayaa hadda waxay ku guulaysatay arin kale oo ay olalaheeda ay Muqdisho ka waday, lagana yaabo inay ilowsiisay tii Qaranka ee muddada dheer haysay

Xaliimo Yareey oo ka soo jeeda beesha Fiqi Shini ee la degta beesha Dhulbahante, ayaa sida la sheegay Muqdiso waxay ka waday olole ay ku doonaysay in qof ka soo jeeda Beesha Fiqi Shini uu uga mid noqdo maamulka Hargaysa, markii la bartona uu Dhulbahante iyo Sool ku meteli doono dawladda federaalka.

Xaliimo Yareey iyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali yare waxay bilaabeen qaaraan ay ka dhex ururiyaan beesha Habar gidr iyo qaar ka mid ah beel weynta Hawiye, waxana la isla ogolaaday in Qaasim Aadan Saleebaan lagu casumo Muqdisho, noqdana ninka beesha Hawiye ay ku taageerayaan inuu ka mid noqdo Baarlamaanka Somaliland “HADDA”.

Ugu danbayntii Cali yare oo ku guul daraystay amnigii gobolka Banaadir oo dhowaan xaafad walba oo Muqdisho ka tirsan la keenay Tikniko iyo Xaliimo yareey oo ku guul daraysatay sideed sano inay dalka doorasho ka qabato, taas oo keentay khalkhalka amni iyo siyaasadeed ee dalka ka jira waxay maanta guul u rkaan guusha Qaasim Aadan Saleebaan .

Sawirku waa habeen ka mid ah xilligii qaaraanka la ururinayey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*