26th March 2024  admin  Category :

Guul reer Ceerigaabo, Guul Maakhir iyo guul maamulka Puntland iyo ciidanka.

Sodonkii sano ee tegay magaalada Ceerigabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa iyada oo la wada degan yahay ayaa hadana beesha Isaaq si gaar u sheegan jirtay, iyaga oo ka faa’iidaysanaya maamulka ay samaysteen ee Soomaliand iyo lacagaha Bulshada caalamku ugu deeqaan maamulkood ee loogu talo galay inay ku kabaan dhaqaalahooda oo ay u samayteen ha’yado la yiraahdo aan Ceerigaabo la wareegno.

Arintii sidaas ahayd ayaa wax badan waxa ka bedelay dhowr arimood: Maamulka Puntland ee hadda jira oo ka shaqeeyey sidii ciidankii beesha Warsangeli ee u shaqayn jiray maamulka Somaliland dib loogu soo celin lahaa degaanadooda. Arintaa waa lagu guulaystay, oo Askar dhowr boqol gaaraysay ayaa hal maalin ka soo wada goostay maamulka Soomaaliya diidka ah.

Arintaa labaad ee ku xigtay tii hore, ayaa ahayd in la sameeyey ciidan gobolka loo sameeyey oo loo tababaray la dagaalanka Argagixsada sida SNM iyo Alshabaab, kuwaas oo xarumo looga sameeyey meelo badan oo ka mid ah gobolka Sanaag oo ka hor istaagay dhaqdhaqaaq kasta oo ay isku dyeen iny maamulka SNM gobolka ka sameeyaan

Arinta ugu daran ee niyad jabka ku riday beesha Isaaq iyo maamulkood oo xitaa hadda ku ogolaadeen in besha Majeerteen ay gobolka Sanaag wax ka degto ayaa waxay ahayd dagaalkii dhowaan ka dhacay degaanada Yube, kaas oo dhex maray beesha Isaaq iyo beesha Garab sare ee Warsangeli , oo SNM oo xitaa Doonyaha dagaalka iyo ciidanka badda maamulkooda iyaga oo u isticmaalaya dagaalkaas hadna si xun loogu jebiyey oo cashar lama ilaawaan ah loo dhigay

Ugu danbayntii waxa hambalyo mudan shacabka Ceerigaabo muujiyey inay Ceerigaabo joogaan, joogi jireen joogina doonaan oo ayna meelna uga socon , ciidanka Puntland oo keenay in markii ugu horaysay Marabbiidii degaanka iyo maleeshiyaadkii soo galbin jirtay ay awood u waayaan inay cag soo dhigaan hal taako oo ka mid ah degaanada beesha Warsangeli, halka shacabka reer Maakhir aay iyaguna isku duubni muujiyeen markii ugu horaysay in muddo ah.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*