26th July 2024  admin  Category :

Beelaha Warsangeli yaa xaq u leh inay helaan   Xildhibaanka aqalka sare ee ka imanaya waqooyiga Soomaaliya

Xildhibaanka aqalka sare ee ka imanaya waqooyiga Soomaaliya ee beesha Warsangeli waa in uu noqdaa

1- Beelihii Warsangeli, oo  aan horay  Xildhibaanada ugu lahayn  maamulka Puntland iyo Baarlamaanka federaalka Soomaaliya . Tusaale beelaha dega Yube iyo Shimbiraale

2- Kursigani waa inuu noqdaa mid ay u tartamayaan oo qura  siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Warsangeli, oo uuna noqon mid jaantaa rogan ah.

3- Beesha Warsangeli oo aan dad badan oo codeeyaa ayna ka joogin magaalada Muqdisho  Waa in sidii Xildhibaanddii hore ee beesha warsangeli  doorashadooda  lagu qabtaa meel dhex dhexaad ah

4 Beesha oo horay qoondaddii dumarka Soomaaliyeed looga qoondeeyey baarlamaanka Soomaaliya labo Xildhibaan oo  Dumar ah u dirtay baarlamaanka Soomaaliya. Waa in kursigan lagu magcaabin kursigii dumarka ee Waqooyiga Soomaaliya u tartamayaan.

5- Musharax aan aaminsanayn midnimada Soomaaliya, oo horay ula soo shaqeeyey maamulaka SNM, waa in aan loo ogolaan inuu ka qayb galo tartanka.

6- Isimaddi markii horeba beesha Warsangeli Caddalad xumada kala dhex dhigay, waa in iyagana laga ilaaliyaa inay saamayn ku yeeshaan kursigan, si caddalad loo helo

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*