26th July 2024  admin  Category :

Kuraastii Aqalka sare ee Sool iyo Sanaag waxay u badan tahay in la laalayo

Madaxda Soomaaliyeed ee madasha qaranka ayaa ku heshiiyey dhowr arimood. Halka uu weli muran ka taagan yahay kuraastii Xildhibanada Aqalka sare ee ka imanayey  gobolada Sool iyo Sanaag. Madaxda Soomaaliyeed ee madasha qaranku waxay ky heshiiyeen in gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya la doorto Bisha kowaad ee sanadka cusub maalinta bishu  tahay shan.  Sidoo kalena waxay ku heshiiyeen in madaxweynaha Cusub la doorto bisha kowaad 22keeda ,2017.

Kuraastii Aqalka sare oo laysku afgaran waayey, ayaa madaxda beesha Isaaq ee Muqdisho ku suganu  waxay soo jeediyeen in hal Xildhibaan ay siinayaan beesha Warsangeli oo qura, Tobonka Xildhibaan oo soo hartayna ay iyagu qaadanayaan haddi ay yihiin Dirta waqooyi

Arintan ay la yimaadeen Dirta waqooyi, madaxda Puntland waa diideen  Markii danbena waxa gooni u wada shiray Madaxweyne ku xigeenka Puntland Camey iyo wakiilka SNM ee Koonfurta Soomaaliya, ahna Raisawsaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Cartan. Labadan nin waa ku kala kaceen wada hadalkii. Dhulbahantaan waqooyiga Soomaaliua Xildhibaan ku lahayn Camey waa qaadan waayey

Sida ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen warmurtiyeedka madasha  oo caawa soo bixi lahaa ayaa dib ayuu u dhacay,  waxaana laga yaabaa in beri gelinka danbe uu soo bixi doon warmurtiyeedkani. Caawa waxa ku qornaa warmurtiyeedkan haddii aan wax laga bedelin  in Xildhibaanada Aqalka sare ee Sool iyo Sanaag  laga hadli doono ka dib doorashada madaxweynaha oo hadda gebi ahaanba  la laalayo. Laga yaabee in wax is bedelaan maanta gelinka hore

ALLSANAAG.COM

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*