26th December 2024 admin Category :
Guriga Generaal Ilkojiir ee magaalada Muqdisho iyo Xildhibaanka Aqalka sare
Xildhibaanaddii Aqalka sare ee waqooyiga Soomaliya ee ka imanayey Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa labo mid noqonaya. sida ay noo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.
1- In la siiyo beelihii horay loogu talo galay ee Harti Waqooyi
2- Iyo in haddi taasi dhici waydo in gebi ahaanba la laalo.
Maanta Guriga generaal Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilko jiir ee magaalada Muqdisho waxa ka socota olole xoogan oo siyaasiyiin badani ku doonayaan inay qaataan xilka kursiga sare ee beesha Warsangeli ka helayaan waqooyiga Soomaaliya.
Hadaba Talo ahaan waxaan Generaalka u soo jeedin lahayn intii dad aan u qalmin xilkan ay qaadan lahaayeen oo hadhow isaga la eedayn lahaa, In uu hadda isagu Xildhibaankan qaato oo ay is garab fariistaan Aqalka sare saaxiibkiis Xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole.
Haddi ay taasi dhici waydo waa in xilkan la siiyaa beelaha Warsangeli oo aan Xildhibaanada ku lahayn baarlamaanka Puntland iyo federaalka iyo beelaha aan marna ka soo qaban Xildhibaanada Federaalka iyo Puntland.
ALLSANAAG.COM