26th July 2024  admin  Category :

Khaatumo iyo SNM horta maxay ka wada hadlayaan?

Wada hadal uu dhinaca beesha Isaaq hogaaminayo Faysal cali Waraabe iyo garab Khaatumo  ka mid ah oo uu hogaaminayo Gudoomiyahii hore ee  baarlamaanka    Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ayaa ka furmay dalka Itoobiya

Wafdiga beesha Isaaq ee ku sugan dalka Itoobiya Mucaarad iyo Muxaafid waa Ku wada dhan yihiin kulankan , waxayna ka kooban yihiin dhamaan beelaha Dirta waqooyi ee degta waqooyiga Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibada Kooxda SNM Dr Sacad Cali Shire
Gudooomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin waxaana uu galay booskii gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo safar ku jooga Borama
Wasiirka waxbarashada SNM Cabdilaahi Ibraahim Habbane
Wasiirka beerahaSNM Maxamed Aw Daahir
Wasiiru dawlaha waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan
Wasiiru dawlaha nabadaynta ee wasaaradda arrimaha gudaha Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gar-gaar)
Iyo wasiirka madaxtooyada SNM Maxamuud Xaashi Cabdi

Garabka Khaatumo  ee la kulmaya Beel weynta Dirta waqooyi.  Waa koox yar oo xanaaq iyo masayr  ay ka qaadeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta beesha Majeerteen ay ku kaliftay in waalidan ku dhaqaaqaan, oo diyaarad u qaataan Addis ababa. Kooxdan Cali Khaliif  wada hadalka  ay la gelayaan  Dirta waqooyi  wax  wada tashi kalama samayn inta badan beesha Dhulbahante, beelaha Harti, Kablalax Daarood iyo guud ahaan beesha Daarood. Waxayna ka kooban yihiin

Gudoomiyahii hore  baarlamaanka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan
Wasiirkii  hore Amniga Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf
Wasiirkii xidhiidhka dibadda Maxamuud Ismaaciil shabbac
Aqoonyahan jecel SNM Maxamed Mahdi Aadan Baayir..

Ugu danbayntii wada hadalka ay maanta isku hor fadhiyaan Cali Khaliif iyo Faysal Cali  Waraabe , maaha mid Laascaanood lagu soo celinayo , maaha mid kuraasta aqalka sare looga wada hadlayo, maaha mid dadkii magaca SNM laGU  xasuuqay magtooda looga wada hadlayo, maaha mid looga hadlayo abaaraha ka jira Fuqufuliye iyo Awrboogays  ee waa mid maamulka Puntland ee  ay u wada yaqaniin labadan kooxood  Majeerteeniya la doobayo in galbeedka dagaal looga furo. Maamulka Puntland ayaa hadda dagaal  iyo weerar waxa uga wada Koonfurta iyo Bariga Ururada  USC iyo alshabaab, waxayna dagaala ka wadaan   magaalooyinka  Gaalkacayo iyo Qandala

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*