29th March 2024  admin  Category :

Cabdirashiid Xidig,  oo Tuugnimada iyo musuqmaasaqa  kula shaqaysan jiray madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Xasan Culusoow, oo xitaa Raashin Turkigu keenay oo loogu tala galay in la geeyo gobolka Sanaag ka gatay suuqa Bakaaraha iyo Boosaaso, ayaa maanta Askartii oo rasshinkooda dhici jiray  wuxuu leeyhay  waa in madaxweyne Farmaajo uu u qoraa $500

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig wuxuu xilka Xildhibaannimada kursiga beeshiisa ku fadhiistay Sanadkii 2000 Shirkii Carta ilaa Maanta.

Wuxuu ka mid ahaa afartii Baarlamaan ee kan ka horeeyay tan iyo burburkii wadanka, isagoo ka mid ah Baarlamaankii 5aad tobanka Baarlamaan ee uu dalku yeeshay tan iyo Xornimadii Soomaaliya oo uu xildhibaan ka yahay maanta.

Wuxuu ka mid ahaa Xildhibaannadii jagada Wasiirnimada iyo Xilka Baarlamaanka labadaba ku soo wada fadhiyay, isagoo Xukuummaddi ugu dambaysay ee Xasan Culusoow  ka hayay Xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Maanta waxa uu u doodayaa sidii nin ku Cusub Baarlamaanka Soomaaliya isagoo ah Xildhibaan ku naaxay Xoolaha Shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*