29th March 2024  admin  Category :

Saraakiishii Isaaq ee hogaaminaysay xasuuqii Gobolada dhex Xasan Tanzania,Axmed Mire, Maxamed Kaahin , Dhega weyne iyo Maxamed Nuux

Xasuuqii Mudug Iyo Nugaal 1979.
15/2/1979.
Waa Maalintii uu Biloowday Xasuuqii Goboolka Mudug iyo Goboolka Nugaal waana 41Guuradii ka soo wareegatay Xasuuqaas.

Taliyihii nabad sugidda Soomaaliya, ayaa Gaalkacyo ku khudbeeyey oo ku dhaqaaqay in Reerka Majeerteen Ridoobeen oo ay Diintii ka bexeen Dhiigooda iyo Maalkooda iyo Dumar koodaba Xalaal yahay.

Khudbadaa kadib waxaa Mudug ka biloowday Gumaad,aan loo abeyeelin,iyo Barakac ay sameeyn Ciiidankii halkaas joogay oo ay hooggaaminayeen Maxamed kaahin oo Habarjecle ah iyo Dhagaweeyne oo hadda ku nool Hargeeysa oo Habarawal ah Xasan Tanzania,Axmed Mire,iyo Maxamed Nuux oo dhamaantood Beesha Isaaq ah.

Haddaba Tuulooynikii iyo Magalooyonkii lagubey hoos ka daalaco.

GOBOLKA NUGAAL.

Magaalooyinkii iyoTuulooyinkii ay Gubeen Saraakiisha Isaaq ee Xooggii Dalka ay mas’uulka ka ahayn,Kalabayr,Jalam,Eyl,Rab’baalle,Magacley, Mayagaag, Sugulle,Ballidacar,Qamboobley,Waxaana la Gubey 250 Guri iyo 105 Barkadood waxaa lagu diley 450 isugu jirey Dumar iyo Caruur iyo Dad waayeen ah.

GOBOOLKA MUDUG.
HOOS KA DAWADA MAGALOOYINKII LA GUBEY QAAR KA MID AH.

Magaalooyinki iyo Tuulooyinki ay Gubeen Saraakiisha Isaaq ee Xooggii Dalka ay Masuulka ka ahayeen Ballibusle, Seemade, Qalaanqal, Gosol, Xarfo, Qorile-Dheere, Barde Gobol, Gacnafale, Bacaadweyn, Roox, Labagardaye, Sagaaro-doox, Dogob, Dudun, Galxamur,Laanmadow,Riigomane,Candho-dhexe, Bursaalax,Taaloole,Bayra,Nugaalgaban, waxaa lagu gubey 1500 oo Guri,waxaa la Xabalay 350 oo Barakood,iyo15 Ceel Biyood,waxaa la diley 800 oo qof oo isugu jirey Caruur Dumar iyo Dad wayeel ah.

One thought on “Xasuuqii Mudug Iyo Nugaal 1979.

  1. Mohamed

    Ssdf ragaas ma ay qafaalane waxaa maslaxaad uga dhigay mareexaan waxaana hogaaminyay jeneral dhagobacayr oo mareexaan ahaa raga la laayayna waxay ahaayeen nabadoono la yiri waa la idin heshiisiin idin ka daarood waxayna isugu jireen habargidir iyo Surre

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*