26th July 2024  admin  Category :

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaaladda Boosaaso ka Daah-furay Carwada Ganacsiga Puntland, Carwadan oo ah tii labaad ee nooceeda lagu qabto Puntland waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Rugta Ganacsiga Puntland.

Daah-furka Carwada waxaa kasoo Qayb galay Masuuliyiinta Goloyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Bari, Kan Degmada Boosaaso, Ganacsato, Isimo,Haweeen iyo Qurba Joog,Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Maamulada Dalka Qaar iyo Madax ka socotay Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo khubad ka jeediyay furitaankii Carwada ayaa bogaadiyey Carwada, sida looga soo shaqeeyay iyo dhammaan dadka kasoo qeybgalay, Dowladda Puntland ayaa muhiimad siinaysa kor u qaadista Ganacsiga iyo maalgashiga dalka.

Carwada lagu soo bandhigayo Ganacsiga Puntland ayaa socon doonta muddo shan cisho, mudaddaasi oo dadku si furan ay uga dukaamaysan doonaan.

Image may contain: 6 people, fruit and food
Image may contain: 2 people, food
Image may contain: food and indoor
Image may contain: 4 people, crowd
Image may contain: sky and outdoor
Image may contain: 1 person, standing
Image may contain: 1 person

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*