27th July 2024  admin  Category :

Guddiga Jaalliyadda Puntland ee magaalada Edmonton ee gobolka Alberta ayaa waxay kulan tacsiyeed iskugu yimaadeen taas oo ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ehelada dadkoodii lagu xasuuqay Dagaalkii waxshinimada ahaa ee Argigixisada Shabaabku ka geysteen 8- June, 2017 tuulada Af-Urur ee gobolka Bari, Puntland Soomaaliya.

Guddiga Jaalliyadu Waxay kale oo tacsi u diraysaa dhammaan dadka ku geeryooday qaraxyada iyo dagaalada waxshinimada ah ee Argagixisada Shabaabku ka geystaan dhamaan goboladda kale ee Soomaaliya.

Waxaan leenahay inta dhimatay Alle ha u naxariisto, inta dhaawac ahna Alle ha u fududeeyo, Caafimaad sariicana oo deg-deg ah Alle ha siiyo.

Guddiga Jaaliyada Puntland ee Edmonton Alberta waxay Shacabka Puntland ugu baaqeysaa in ay xoojiyaan ka hortaga iyo ka ilaalinta in Argagixisado soo gasho deegaamada Puntland.

Guddiga Jaaliyadu waxay ku baaqaysaa wacyi-gelin Qaabaysan oo looga horto dagaalka Argagixisada Al-shabaab oo ka dhaca dhammaan degaamada Puntland oo ay hormood ka yahiin Culamaaudiinka, Isimada, Siyaasiyeenta iyo aqoon yahanada.

Guddiga Jaaliyada Puntland ee Edmonton Alberta waxay ugu baaqaysaa in Dawlada Puntland ay Jawaab ka bixiso sababta in mudo ka badan toban sano Argagixisada Al-shabaab dagaal ka wadaan nawaaxiga Gal-Gala, Af-Uruur iyo Boosaaso.

Ugu danbayn Jaaliyado waxay u soo jeedinaysaa shacabka Reer Puntland gudo iyo dibedba ay u midoobaan ka qaybqaadashada ka xoraynta Argagixisada Degaamada Puntland iyo guud ahaanba Dalka Somaaliya.

Sidoo kale Guddiga Jaaliyada Puntland Edmonton Alberta waxay ugu baaqaysaa Shacabka Somaaliyeed meel ay joogaanba ay u midoobaan la dagaalanka Argagixisada Al-shabaab iyo cadowkasta oo lid ku ah midnimada qaranka Soomaaliyeed.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*