29th March 2024  admin  Category :

Baaq Jaaliyadda Edmonton Puntland Alberta

Ka : Jaaaliyada Puntland Edmonton Alberta

Ku: dhammaan Ehaladii dhibaatado dhimashadda, Dhaawaca iyo Barakicinta

Tuuladda Af -Uruur.

Jaaliyadda Puntland Edmonton ee Alberta waxay tacsi tiiranyo leh u diraysaa Dhammaan Ehelada dadkoodii lagu xasuuqay Dagaalkii waxshinimada ahaa ee Argigixisada Shabaabku ka geysteen Tuulada Af-Uruur ee Gobolka Bari Puntland Somaaliya. Jaaliyadu Waxay kale oo tacsi u diraysaa dhammaan dadka ku geeryooday dagaalka waxshinimada ah ee Argagixisada Shabaabku kula jiraan maalin walba shacabka somaaliyeed.

Waxaan leenahay inta dhimatay Alle ha u naxariisto, inta dhaawac ahna Alle ha u fududeeyo, Caafimaad sariicana oo deg-deg ah Alle ha siiyo.

Jaaliyada Puntland Edmonton Alberta waxay ugu Shacabka Puntland in ay xoojiyaan ka hortaga iyo ka ilaalinta in Argagixisado soo gasho degaamada Puntland. Jaaliyadu waxy ku baaqaysaa wacyi-gelin Qaabaysan oo looga hortigaayo dagaalka Argagixisa oo ka dhaca dhammaan degaamada Puntland oo ay hormood ka yahiin Culamaaudiinka, Isimada, Siyaasiyeenta iyo aqoon yahanada.

Jaaliyada Puntland Edmonton Alberta waxay ugu baaqaysaa in Dawlada Puntland ay Jawaab ka bixiso sababta in mudo ka badan toban sano Argagixisado dagaal ka wadaan nawaaxiga Gal-Gala, Af-Uruur iyo Bosaaso.

Ugu danbayn Jaaliyado waxay u soojeedinaysaa shacabka Reer Puntland gudo iyo dibedba ay u midoobaan ka qaybqaadashada ka xoraynta Argagixusada Degaamada Puntland iyo guud ahaanba Dalka Somaaliya.

Jaaliyada Puntland Edmonton Alberta waxay ugu baaqaysaa Shacabka Somaaliyeed meel ay joogaanba ay u midoobaan ka hortaga dagaalka Argagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*