26th July 2024  admin  Category :

Xasan Sheekh iyo Lloyd Austin oo ka wadahadlay dagaalka Al-Shabaab

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd J. Austin ayaa Arbacadii xarunta Pentagon-ka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isagoo ‘ku ammaanay hoggaamiyaha Soomaaliya horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah.’

“Muddadani waxay si gaar ah muhiim u noqon doontaa marka la eego colaadaha socda – oo ay ku jiraan xasillooni darrada ka jirta Suudaan – iyo khatarta joogtada ah ee al-Shabaab,” ayuu yiri Austin.

“Waxaa igu dhiiri galiyay in aan maqlo guulaha sii socda ee laga gaarayo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bartamaha Soomaaliya oo ay hormuud ka tahay Soomaaliya. Iskaashigeenna ku aaddan howlgalladan waa mid muhiim ah, waxaana diyaar u nahay inaan idin garab istaagno sidii aad isaga difaaci lahaydeen xoogagga khatar ah oo rabshado wata,” ayuu u sheegay Austin madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Austin kaalmada iyo taageerada uu Mareykanku Soomaaliya siinayay in ka badan soddon sano.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo dowladda Mareykanka kaalmada ay siiso shacabka Soomaaliyeed dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay Austin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*