26th July 2024  admin  Category :

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa kulankeedii ugu horreeyay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay maanta, ka sheegtay inay intii ay ku jirtay safarradii ay ku soo martay Soomaaliya labadii toddobaad ee ugu horreysay in ay indheheeda ku soo aragtay horumarka baaxadda leh ee uu dalku ka sameeyay dhinaca dawlad dhiska iyo nabad dhiska.

Ergeyga oo hadalkeeda wadata ayaa Golaha Ammaanka u sheegtay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay horumarinta arrimaha muhiimka ah ee qaranka, oo ay ka mid yihiin magacaabista guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka, meel marinta 11 sharci, iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacday Puntland. Waxay intaa ku dartay in xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ah, taasoo ay ugu wacan tahay colaadaha, isbeddelka cimilada iyo yaraanta taageero dhaqaale.

Waxay ku boorisay in la taageero 8.25 milyan oo qof oo u baahan gargaar waxayna muujisay baahida loo qabo xalal waara.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*