26th July 2024  admin  Category :

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta Boosaaso ka daahfurtay xarunta maaraynta iyo daryeelka Covid19.

Image may contain: indoor

Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa maanta magalaada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka furtay xarunta maaraynta iyo daryeelka Covid19.

Xaruntaan oo ay diyaarisay wasaaradda gaar ahaan gobolka bari ayaa loogu talagalay dadka laga helo xanuunka in lagu hayo laguna daweeyo inta liidata ee ubaahan dawaynta ama ubaahan Oxygenta, waxaa la dhigay dhamaan qalabkii looga baahnaa sidoo kale waxaa ka shaqaynaya dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo loogu talagalay inay adeeg siiyaan dadka xarunta la keeno.

Waxaa furitaanka maanta ka qaybgalay wasiirudawlaha arimaha gudaha mudane Kulan, kuxigeenka gudoomiyaha Gobolka, taliyaha qaybta Gobolka Bari iyo taliyaha garoonka diyaaradaha Boosaaso, isuduwaha wasaaradda caafimaad ee gobolka Bari.

Isuduwaha wasaaradda gobolka Bari Siciid Mohamed waraabe oo masuuliyiinta xarunta ku soo dhaweeyay ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay uga mahadceliyay hirgalinta xaruntaan Maamulka Gobolka iyo wasaaradda caafimaadka.

“ Waxaan ugu horayn uga mahadcelinayaa hirgalinta xaruntan masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka oo nagu garab istaagay ka gobol ahaan, sidoo kale maamulka gobolka gaar ahaan gudoomiye Abwaan, oo dadaal dheer iyo garab istaag usameeyay wasaaradda, mudanayaal xaruntaan waxay noqonaysaa mida ugu weyn ee ku taala magaaladaan qabanaysana dhamaan adeegyada looga baahanyahay ayna udhamaystiranyihiin qalabkii loogu talagalay ayna heegan ku yihiin dhakhaatiir iyo xirfadlayaal caafimaad oo shaqaynaya 24saac”

Masuuliyiinta furitaanka ka qaybgalay ayaa wasaaradda ku amaanay shaqada ay qabatay gaar ahaan hirgalinta xaruntaan, waqtigii loo baahnaana la hirgaliyay madaama magalaada Boosaaso iyo guud ahaan gobolka ay ku soo badanayaan dadka xanuunka laga helayo.

Xaruntaan ayaa ka mid ah ilaa 14 xarumood oo noocaan oo kale ah oo wasaaradda ay ka hirgalisay Gobolada Puntland.

Image may contain: one or more people and people standing

No photo description available.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*