28th March 2024  admin  Category :

Qabyaalada ayaa na wareerisay, maya ee hoggaamiye lacag urursanaya ayaa nafta noo keenay, fara gellin shisheeye ayaa na dhibtay, odyaashii ayaa caada qaata yaal noqday iyo kalmado kalle oo jahwareer xanbaarsan ayaa waxaad ka maqleeysaa inta badan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Dadku waa kuwo jahwareerka ku dhacay dartiis garan waayey xalka meesha uu ka jirro. Tusaale, Soomaali badan ayaa aaminsan in dhibka dalka ka socodaa ay mas’uul ka yihiin dawladda Itoobiya oo cadaawad soo jireen ah ay Soomaaliya ka dhaxeeyso, laakiin waxaa dhab ah in Soomaaliya dhibka yaal ay mas’uul ka yihiin ummada Soomaliyeed.

Waxaa jirra sheekooyin Soomaalidu ay soo qaadato oo ku aadan dalalka carabta taas oo ah in marka geedka timirta uu miro bixin waayo ay yiraahdaan yuhuudaa ka danbeeysa, haddii roob la waayo yuhuudaa ka danbeeysa iyo wixii la mid ah, marka Soomaalidu waxeey dooneeysaa iyadoo xaar wallaaqaneeysa oo qabyaaladda ay indhaha ka tuurtay ay yiraahdaan Itoobiyaa nabadda nagga hor taagan, Itoobiyaa nagga hortaagan inaan dawlad fiican dhisanno, Gabraa i kalla qeeybiyey iyo sheekooyin badan oo ah kuwo lagu qoslo. Hadaba, Daarood, Isaaq, Hawiye ha is weeydiiyeen:

Cidda dawladdii burburisay;

Cidda dagaalka ka abuurtay dalka;

Cidda caasimadii ummada dhulka dhigtay;

Waxa sababay in cadaalad darro baahsan ay ka dhacdo dalka, wellina ay u socoto;

Cidda midba midka kalle uu hubka u urursanayo;

Sababta keentay in ajnabi loo kalla dhuunto;

Waxa sababay in arrimaha la isku qabto loola taggo waddamo shisheeye;

Cidda jabhaddeenta soo aas-aastay;

Waxa sabab u ah in illaa maanta ay dhimashada socoto;

Wixii sababay in dagaal qabiil inuu dalka ka dhaco;

Waxa sababay in la is aamini waayo;

Waxa dib u heshiisii dhab ah loo diiday in la sameeyo;

Cidda dadkii qaxooti ka dhigtay;

Cidda hantida shacabka boobtay;

Sababta AMISOM dalka keentay;

Cidda argagixisada dalka u soo horseeday, iyo

Sababta sharaftii Soomaali ay laheed dhulka ay u gashay.

Haddii la is weeydiiyo arrimaha naggu dhacay iyo cidda dhibka naggu heeysa xalka Soomaaliya waa la gaarayaa, laakiin haddii la iska indha tirro xalka lama gaarayo, Xalkana waa in sidda dalka Ruwanda loo heshiiyaa oo dadka Soomaaliyeed ay is cafiyaan taas ayaana ah meesha xalka uu ku jiro.

HOOS KA DAAWO DALKA RWANDA SIDDA UU DIB UGGU DHISMAY MARKII AY DADKA DALKAAS HESHIIYEEN

 

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*