26th July 2024  admin  Category :

FURSADI MA U HARTAY MADAXWEYNE XASAN CULUSOOW

Sooyaalka halgankii taariikhda halgamayaashii Somaliyeed kuwii dhintay iyo kuwa nool waxa lagu kala xasuusandoonaa:
1. Axmed Gurey: Diiwaankiisa taariikhda waxaa lagu xardhay in uu hormuud ka ahaa halgankii taariikhda cusub oo uu kaga difaacey Diinteena suuban iyo dalka Somaliyeed gaalo madow iyo cawaankeed oo ay xabashi horboodeysey.

2. Maxamed Cabdulle Xasan: Diiwaankiisa taariikhda waxaa lagu xardhay in uu hormuud ka ahaa halgankii taariikhdii kharaarayd ee lagu difaacayey Diinta iyo dalka Somaliyeed oo lagaga hortegey Saan-caddaalihii reer Yurub iyo gaalo madow iyo cawaankeed.

3. SYL (13kii dhallainyarada aheyd) (AUN): Diiwaankooda taariikhdeed waxaa lagu xardhay in ay hormuud ka noqdeen halgankii taariikhiga ahaa ee lagu dhaliyey laguna dhidbay Calanka buluugga ah ee 5ta Gees leh oo maanta la harsanayo.

4. Adan Cabdulle Cismaan (AUN) Diiwaankiisa taariikhda waxaa lagu xardhay in uu hormuud ka ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey oo Afrikan ah oo kursiga si dimuqraadi ah iyo nabadgelyo ah ku wareejiyey ninkii isaga ka guuleystey kadibna beertiisa fashey, masaajidkiisa cibaado Ilaahay u galay!!

5. Cabdirashiid Cali Sharmarke(AUN) : Diiwaankiisa taariikhda waxaa lagu xardhay in uu ahaa Madaxweyne dalka ka difaacay Amxaaro 1964kii isla markaana doorasho dimuqraadi ah ay dalka ka dhacday isku mar isagoo gacanna cod ku bixinayey gacanna difaaca ugu jirey.

6. Maxamed Siyaad Barre(AUN): Diiwaankiisa taariikhdiisa waxaa lagu xardhay in uu hormuud ka ahaa hirgelinta qoridda Af-ka Hooyo ee Somaliga.

7. Cabdulqaasim Salaad Xasan: Diiwaankiisa taariikhdiisa waxaa lagu xardhay in ay hormuud ka ahaa nidaamkii ugu horreeyey burburkii kadib ee 4.5 ee Somaliya laysugu keenay oo dawlad lagu asaasay.

8. Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN): Diiwaankiisa taariikhdiisa waxaa lagu xardhay in uu hormuud ka ahaa Madaxweynaha Calanka suray Madaxwtooyada Somaliya 2004kii dibna ugu fariistay kursigii qaranka iyadoo ay awoodi kari waayeen in ay arrinkaas ku tallabsadaan Madax badan oo deegaankaas ka soo jeeddey taas oo saldhig u noqotay curashadii qaran cusub oo Somaliyeed isla markaana ahaa asaasihii Puntland sannadkii 1998dii.

9. Madaxweynihii hore ee Puntland Madaxweyne Cadde Muse waxaa diiwaanka taariikhda loogu xardhi doonaa in uu ahaa bud-dhigihii Garoonka caalamiga ah ee Bosaso( Bosaso International Airport)(BIA) isagoo dhisay rugta maanta lagu shaqeeya.

10. Madaxweynihii hore ee Puntland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole: Diiwaankiisa taariikhda waxaa loogu xardhidoonaa in uu hormuud ka ahaa heshiisyadii Garowe1, Garowe2, iyo Galkcayo ee lagu soo ansixiyey dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee Somaliyeed iyadoo uu door lama illaawaan ah ku lahaa baadi-goobkii mashaariic horumarineed ee Puntland.

11.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas: Diiwaanka taariikhdiisa waxaa loogu xardhidoonaa in uu hormuud ka ahaa soo af-jariddii nidaamkii ku meel gaar ahaa ee Somaliya 2012kii, isla markaana hirgeliyey, gacantiisana ku furay Garoonkii ugu horreeyey ee caalami ah oo laga hirgeliyo Puntland.

12. Sayid Axmed Islaam (Axmed Madoobe): waxaa diiwaanka taariikhda loogu xardhidoonaa in uu ahaa ninkii uGu horreeyey ee maamul ka yagleelay degaanka Jubbaland oo muddo dheer dagaallo sokeeye ka socdeen isla markaana awood u yeeshay in uu hor fariisto dhammaan raggii iyo beelihii maamulkiisa ka soo horjeestey oo uu ugu danbeeyey Barre Hiiraale oo uu Xamar ku qaabilay xal nabadgelyona ka wada gaaray.

13. Madaxweynihii hore ee dawladda federalka Sheekh Shariiif Sheekh Axmed waxaa lagu xusuusan doonaa in uu ahaa ninkii beesha caalamka u oggolaatay in uu keensado 275 xildhibaan oo cusub in uu ku soo darsado barlamaankii hore ee ku meel gaar ka ahaa, xukuumaddiisiina ay noqotay xukuumad barlamaankeedu noqday 500 xubnood, wuxuu kaloo door weyn ku lahaa shirarkii Garowe 1, Garowe 2, iyo Galkacayo ee dastuurka KMG ah lagu ansixiyey..

haseyeeshee, waxaaa su’aali ka taagan tahay:

14.Madaxweyne Xasan sheikh Maamuud kaalin taariikheed ma uga bannaan tahay si diiwaanka halganka taariikhda Somaliyeed loogu barto mustaqabalka soo socda?

Dabcan, jawaabtu waa HAA!! Kumana habboona in uu taariikhda meel madow ka galo, waxaan sidaa u leenahay laga soo bilaabo 2012-2015 ama 3dii sano ee la soo dhaafay waxqabadkii dawladda Somaliya wuxuu ahaa RAAD ABEESO! wuxuu dawladdii loo doortay weli ku hayaa meeshii loogu dhiibey, diyaarna uma aha sida muuqata in uu horey uga siisocdo.

Madaxweyne Xasan waxaa u hartay hal fursadda oo ah in uu Somaliya ka gudbiyo nidaamka qabaliga ku salaysan ee 4.5 uuna dadka iyo dalka u horseedo nidaam degaaan iyo xisbiyo badan ku tartamaan sida dunida casriga ah, markaas wuxuu muteysan doonaa in uu taariikhda wanaagsan uu dhinaca midigta ka istaaago waxaannu ku waanineynaa in aanay taladu seegin isagoo cuskanaya qodobada dastuuriga ah ee amraya in aan dib loogu laaban nidaamkii 4.5 kuwaas oo kala ah qodobka: 138 iyo qodobka 68aad ee dastuurka qaranka ku xusan laakiin haddii uusan qaadan go’aan wanaagsan ma og yahay in aanu haysan hal qodob oo kale oo uu diiwaanka taariikhda uu kaga qaybgelo xilliga la soo bandhigi doono nin walba wixii uu qabtay?!!.

W.Q. Cumar Maxamed Barre
omarbdo@hotmail.com

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*