26th September 2021  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarunta Madaxtooyada kaga qeybgalay Xafladda sanad-guurada 23-aad ee Puntland.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Sare iyo Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dawladda Puntland iyo marti sharaf isaga yimi dalka gudihiisa iyo dibediisa.

Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa la dhisay 1998, 23 sano Dawladdnimada Puntland waxay hirgelisay Maamul wanaag, Nabad, horumar iyo Amni iyo dhismaha Dawladdnimada Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*