27th April 2024  admin  Category :

Faysal Waraabe ayaa sheegay in shirkii Baydhabo ka dhacay dhawaan ay madaxda Soomaaliyeed baaqii ay soo saareen uu ka mid ahaa in Puntland la siiyo hub ay kulla dagaalanto maamulka Hargeeysa waa sida uu hadal u dhigay.

Faysal oo marba gidaar isku qaadaya isagoona beer laxawsanaya Raxanweeyn iyo Hawiye ayaa markana la yimid dacaayado raqiis ah kuwaas oo ah in Puntland aysan ka jirin argagixiso, balse dadka argagixisada laga dhigayaa ay yihiin Raxanweeyn suuqyada laga qabto.

Faysal oo naf ka raadinaya kolba meel ayaa sheegay in Puntland ay ciidamo Mareeykan ah ku soo hoggaamiyeen Galmudug, balse Faysal waxa uusan oggeen in Mareeykanka ay ka weeyn yihiin dad la iska diro, laakiin waxa ay sameenayaan ay ogyihiin.

Dhinc kalle, Faysal oo iska caytamaya ayaa sheegay in Garoowe ay tahay meel burcad badeed lacagteeda ay ka sameesantahay, Puntland ay tahay meel mashruuc ay kaga raadsato beesha caalamka. Faysal oo ah qof aan dhul badan marin ayaa waxa uu u heestaa Garoowe ineey tahay magaalo 2010 la aas-aasay.

Faysal oo dhinac iska dhigaya nin wax iska cellin kara ayaa dhinaca kalle leh Hawiyoow hubka Puntland ay hesho idinka la idinku weerari doonaa, laakiin Hawiye weey ka weeyn yihiin dad wax loo sheego.

Isku soo duub Faysal fariintiisa ayaa ah sidii uu u kicin lahaa beelaha kalle isaga oo u tusaya in Daaroodka uu ku soo duulayo. Faysal oo dadka Puntland aflagaadeeyay waxa uusan ogeen in isaga iyo reerkiisaba ay yihiin kuwo maska ka xun oo ah cadawga Soomaaliyeed iyo kan Islaamka, waa beesha kalliya ee dhamaantood isku raacay dhul boob, waana dadka maanta gumeeyste aduunka oo dhan laga nacay ku abtirasda habeen iyo maalin. Ma Daarood baa Xun, mise waxaa xun qofka dalka Soomaaliya kalla jaraya?

Gabagabadii, Faysal Waraabe ama ha caytamo ama cid kalle ha u qeeyliyo dagaalka lagu xoreenayo Sool iyo Saanaag waa mid socod doona, illaa cadawga maska ah ee ku soo duulay laga xoreenayo.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*