16th April 2024  admin  Category :

Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO) ayaa sheegtay Jimcihii in Abaartii ugu xumayd ee soo marta Geeska Afrika in ka badan 40 sano ay ka taagantahay qeybo kamid ah gobalka, kadib markii la helay saadaasl muujineeysa in bilaha Oktoobar iyo Disembar ay suurtagaltahay inay halkaasi ka dhacdo bini’aadanimo tii ugu xumeed.

WMO ayaa  sii cusleeyneeysay walaacii hay’adaha gargaarka ay ka muujinayeen bilihii lasoo dhaafay khatarta ka dhalan karta abaarta ka jirta dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah Kenya.

dadka ku nool dalalka Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, waxay qarka u saaranyahiin masiibo bini’aadantinimo oo aan horay loo arag,” ayuu yiri Guleid Artan, Agaasimaha Xarunta Saadaasha Cimilada ee Urur ICPAC.

Abaarta ayaa kusoo beegantay iyadoo caalamka uu sare u kac ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka, taasi oo loo sababeeynaayo dagaalka ka socda dalka Ukraine, oo saameeyay qeybo ka mid ah Afrika.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa horay u sheegtay in dad ka badan 80 milyan oo qof oo ku nool toddoba waddan oo ay kamid yahiin Djibouti, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Uganda, ay haysato cunto yari.

Intii u dhaxaysay sanadahii 2010 iyo 2012, ilaa 250,000 oo qof ayaa gaajo ugu dhintay Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan ay ahaayeen carruur.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*