26th July 2024  admin  Category :

Weriye caawa Muqdisho looga helay Cudurka Coronavirus.

Weriye C/casiis Maxamed Guuleed (Afrika) oo ka mida weriyeyaasha u shaqeeya Talafishanka Muqdisho iyo Soo-saaraha Barnaamijka Gungaar ayaa caawa shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus.

“Inkastoo aanan wax calaamad ah isku arkin, haddana waxaan ka mid noqday caawa Dadka Soomaaliyeed ee laga helay COVID-19 ka dib baaritaan la igu sameeyey”. ayuu ku yiri weriyaha qoraal uu soo dhigay baraha bulshada

Weriyahan ayaa la xusuustaa inuu booqday isbitaalka Difgeer, isagoo gudaha u galay isbitaalka si u booqdo weriye ka tirsanaa warbaahinta dowladda, tallaabadaasi ayaa si weyn loogu cambaareeyay, iyadoo ay raaligelin ka bixiyeen Madaxda Wasaaradda Caafimaadka

C/casiis ayaa cambaareynta ka dib shaaciyey inuu gurigiisa isku karantiilay, waxaana ugu dambeyn caawa uu shaaciyey inuu ka mid noqday dadka u dhiban cudurkan oo Soomaaliya ku sii kordhaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*