8th May 2024  admin  Category :

Wejiga Labaad Ee Dib-U-Habaynta CXDS Oo Billowday

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u billaaabay wejiga labaad ee dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, kadib markii wejigii koowaad uu si guul ah kusoo dhammaaday.

Ra’iisu Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda lagu shaacinayay bilaabshada wejiga koowaad ee dib-u-habaynta ciidamada oo ka dhacday taliska ururka lixdanaad ee ilaalada madaxtooyada.

Wejiga labaad ayaa ka koobnaan ku hubinta ciidamada goobihii lagu diiwaangeliyay ee dhammaan gobollada dalka Soomaaliya iyo qiimeyn guud oo lagu sameynayo tayada ciidamada, si loogu saleeyo dhameystirka  baahida ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Daahir Aadan Cilmi “Indho qarshe” ayaa xukuumadda iyo taliskaba ku ammaanay guusha ay ka soo hooyeen dib-u-habaynta ciidamada wejigii koowaad oo lagu hergeliyay diiwaangelinta, tirakoobka iyo dejinta nidaamka mushaar bixinta CXDS oo ciidamda lagu siiyo xisaabaadkooda bangiyada.

Taliyaha ayaa saraakiisha CXDS ku amray in ay la shaqeeyaan saraakiisha ku howlan qorshaha dib-u-habaynta ciidamada ee booqanaya goobaha ay ciidmada ku suga yihiin.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ka go’an dib-u-habaynta ciidamada Xooga Dalka oo qayb ka ah halbeegyada ugu muhiimsan tubta  amniga iyo caddaaladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*